Madaxwaynaha Turkiga Oo Sheegay In Uu Guul Ka Gaadhi Doono Doorashada
Madaxweynaha Turkiga
Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada
Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo
ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Waxan uu sheegay ku
guuleysiga aqlibayadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga
Turkigu uu ku kalsoon yahay, isla markaana ay 'aayahooda ka arkeen isaga iyo
xisbigiisa.'
"Waxaan kusoo bixi
doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii
May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah" ayuu ku yiri
bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Erdogan ayaa helay
doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii
la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka
sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.
"Anigoo ah
siyaasiga aan rabitaanka ummadda mooyaane aan wax kale aqoon, kana leexan
dariiqii ummaddu ay dejisay, waxaan ixtiraamaya natiijada kasoo baxday sanduuqa
codbixinta" ayuu raaciyay Erdogan.
VOA