Dagaal Beeleed Ka Qarxay Duleedka Burco Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay.
"Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Biixi"
Burco (HWN) Alle-ha-unaxariistee
laba qof ayaa la sheegay inay ku geeriyooday,halka ay qaar kalena ku
dhaawac-meen dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Cali Saahid ee Gobolka
Togdheer, kaas oo u dhexeeya beelaha Cabdi Xirsi (Habar-yoonis) iyo Ciise
Muuse,kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey isku hub urursanayey,isla markaana
uu u dhaxeeyey murran dhanka deegaanka ah.
Ma jiro illaa hadda wax
war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo maamulka gobolka
Togdheer oo ku saabsan dagaal beeleedkaa ka qarxay dulleedka magaalada Burco.
Loading...
Loading...