MW Hassan Sheikh Mohamud hambalyo sanad baa u buuxsantay laguna amaani karo hal arrin:-
* Dagaalka ka dhanka ah alshabaab oo uu abaabul iyo waqti galiyay.
Balse weli waa qabyo Soomaali Heshiis ah maxaa yeeley:-
* Puntland waa sii fogeeyey
* Maamullada kale qaarkood si taxadar leh bay dowladda il isaga ilaalinayaan weli.
HUFNAANTA IYO ISLA XISAABTANKA
Dad badan oo aan ku jiro waxay u haysteen in MW waaya aragnimo hore uu qaatay balse weli waxba kama bedelin siyaasaddii hore ee naasnuujinta saaxiibada iyo qaraabada.
RW SHAQADIISA LA HAYSTO
Mudada curdanka ah ee sanadka ah ee buuxsantay RW dalka waxa uu guddoomiyaa un shirarka balse jaangoynta siyaasadda Villada wadata oo waxaan Wasiirada Qaar laga soo xigtay dowladda All in One waaye oo ay kala jeedaan MW isku wata howsha.
GOBOLKA BANAADIR
MW waxaa loo haystay inuu keeni doono Mayor taya leh balse wuxuu keeney saaxiibkii oo horey ugu fashilmay gobolka haddana bakoorad iyo buuq ayuu soo kordhiyay.
KIISKII IKRAAN TAHLIIL
MW ololihii un buu kaarka marsaday balse sooma hadal qaadin Ikraan kiiskeedii oo uu horey balan nooga qaadey.
NISA
Nabad sugiddii shaqa ayay qabatay haba ugu badnaatee dhalinyara abaabul sawirro kusoo gala xaafada horey Xamar looga caaganaa wax kastana Taliyajaa mahad leh lagu soo afmeero
Wada shaqeynta taliyahaas iyo xitaa Nisada Gobolka ma fiicna dalka intiisa kalena waaba haba sheegin
MUSUQA
Waa sii laba jibaarmay maadaama Soomaali iyo musuq ay deris yihiin mana jirto cid la xisaabiyo maadaama min sare ilaa hoose la wada daldalanayo
Tusaale agaasime ama sarkaam 700-1200$ qaara ayaa dabaqyo 400 kun $ dhisanaya gaari 80 kun $ ku socdana maalinkiina 500$ qarash gareynaya.
SIYAASADDA DIBADDA
Waxaan hubnaa inaan haysanno Wasiir dibadeed oo shirarka banaanka nagu sug la yiraahdo dowladihii dhaqaalaha nagu taageeri jireyna jeebka inay gacanta galiyaan waa diidan yihiin weli.
Hadda MW HSM Doha ayuu ugu socdaa dhaqaale bille ah nagu taageera isma bixin karnee, Turkidii tuhun baa galay, Galbeedkii Xalane haba sheegin, Imaaraadna heshiis milatari waa lala galay oo barlamaankana lagala cabsadey.
MUCAARAD
Mucaarad majiro xildoon iyo qandaraas doone kaliya ayay noqdeen balse maadaama sanad xirmay buuq hadduu bilaabanaa oo PM iyo Sh Aadan Madoobe ushaa kor saaran Sacdiyana safka hore ayay kaga jirtaa dadka mooshinka uu maagi doono.
DAGAALKA LAASCAANOOD
Dowladdu gabi ahaanba waa ku fashilantay sida ay u wajahdey dagaalka Laascaanood welina kama muuqato mas’uuliyad inay iska saareyso.
QIIMEYN GUUD
Inkastoo ififaalaha muuqda uusan qurxanayn haddana waxaan dhihi karnaa sanadkaan hal howl oo muhiim ah ayaa la qabtay oo ah dagaalka Alshabaab taasoo 60% la dhihi karo dowladdu waa guulaysatay.
Inta hartayna bal markeedaan qalinka la raacaynaa
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!