Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Khilaafka U Dhaxeeya Qaar Ka Mid Maamul Goboleedyada
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan wadanka.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeedinayey arday ka qalin jabisay jaamacada Umada ayaa ka waramay khilaafka u dhaxeeya dawlada federaalka ah iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa difaacay nidaamka federaalka ee soomaaliya waxaanu yidhi "Qof kasta si ha u arko, wuxuu ka mid yahay dooda socota, oo ay dowladnimadeena ku dhismayso, oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal iyo muxuu yahay confederate (habka kale ee federaalka ee dowladaha isku biirey ), inkasta oo nala dacaayadeeyo, anaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah anaga ayaa ah"
Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, dowlad dhexe oo xuduudaheeda illaalisa" ayuu yidhi madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale dhallinyaradii uu la hadlayay ku dhiirogaliyay in aysan aqbalin wax ka yar dowlad adag.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagayaan xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo dalka ka taagan, gaar ahaan Galmudug iyo Jubbaland oo labaduba xilligii doorashada jooga.