Kala Qaybsanaanta Bulshada Somaliland Cidda Kaliya ee ay Faa'iidada u Tahay Waa Cadowga Somaliland

0
Monday May 15, 2023 - 09:02:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Qaybsanaanta Bulshada Somaliland Cidda Kaliya ee ay Faa'iidada u Tahay Waa Cadowga Somaliland

    Kala qaybsanaanta bulshadu cid walba khasaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala qaybsanaanta bulshadu cid walba khasaare



Midnimadu waa awood iyo cudud shacab oo ay ummadi kaga guulaysan karto cid kasta oo jiritaankeeda cadow ku ah. Sida ay taariikhdu qirayso; Yuhuun, Cudud iyo Dareen midaysan ayay ummadda Somaliland kaga guulaysteen cadow kasta oo awood is bida oo halis ku ah jiritaankooda. Xaaladaha haatan ka taagan dalkeenu waxay u baahan yihiin in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto.



 

Kala qaybsanaanta bulshadu cid walba khasaare ayaa ugu jirta, cidda kaliya ee ay faa’iido ugu jirto waa cadowga Somaliland kaasoo jecel burbur aan ka soo kabasho lahayn oo ku dhaca Qaranka Jam Somaliland ee 32 jirsaday.


 

Haddaba, Midaynta iyo meel u wada jeedinta bulshada waxa masuliyadeeda koowaad leh Xukuumadda. Waxa loo baahan yahay in Xukuumaddu ay si dhab ah uga hawl gasho sidii ummadda Somaliland loo midayn lahaa, iyadoo kaashanaysa oo si dhaw ula shaqaynaysa Xisbiyada Siyaasadda, Ganacsatada, Madax Dhaqameedka, Culimada, cududa Dhallinyarada iyo Haweenka dalka.


 

Midaynta Ummadda Somaliland cid walba waa u dan, laakiin waxay u baahan tahay Garasho Sare !!


 

SOMALILAND HA NOOLAATO.


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...