Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dhereg-Ye ( Abdi-Shotaly).

0
Monday May 15, 2023 - 08:54:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dhereg-Ye ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Hadba Beel Isku Qaadku, Waa Bukaan Aan Baxaynin, Cuqdad Beerka Dhamaysay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Hadba Beel Isku Qaadku, Waa Bukaan Aan Baxaynin, Cuqdad Beerka Dhamaysay!


Aan idiin horey-siiyo'e waxa taagan tixddii "Dalamar" Ee Xaaji Aadan Af-Qalooc ( Rabbi⁹ haw Naxariistee), taas oo ay ka mid ahaayeen murti-deedda " Waash-maan ( watchman) kolay ay tahay, ninkii taabay meel dhereg-ye".


Waxay maamulka askartu u dabaal degayaan Geeriddii S/Land oo gacan-toodda ay ula-kas iyo badheedh ugu dumiyeen, waa waxan Rabbi haw naxariisto wixii beri hore ( Intii maamulka Askarta ka horeysay la odhan jirey Somaliland).



Tuke ha iska qalaadee, sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan xumaanta iyo boobka, qaska, qabyaaladda, horu-mar la'aanta, xaraashka Hantidii ma guur-tadda ahayd ee shicibka, kuna soo noqon karto mustaq-balkii iyo rajaddii dalkan iyo dadkan loo baydhi waa ,oo ogaan baa loo majaro habaabi-nayaa. Muwaadin ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dib ugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, albaab kaste la inaga soo xidhay, askar-tiina ay inaga isku keen jeedisay, halkii ay wax idiin qaban lahayd, ee ay ka dhacayso, Sool, Awdal iyo Sanaag.


 

Jabuuti baa toos inoo Xukunta. Wax tayo lihi meesha ma maryaan, oo mid-ba kuu ka liitay baa loo tiriyey xafiis, mid aanad duqsi ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la'aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad u rixinaysaa ama daba ordaysaa, ee goor maad ka waan-toobi? Oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu rido, baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan godka aad ku jirto wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker.


Qofku marka uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay, ka bacdina soo haaban kari waayo, uu is yidhaaho sare isu soo qaad, kan eebbe hibadiisa uu halkaa ku gaadh-siiyena barbar orod, wuu khali duuraa, carqaladuu is yidhaahaa ka hor keen, ka uu xinka iyo xaasid-nimadda ka qabo, waxa-se uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go'aa, sidda qaar badan ku dhacday, wuxu yidhi Abwaan Qaasim (IHN)" Oo ka mid ahaa murti-diisa " Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye". aad bay u fara badan tahay xikmadda uu inooga tegay Abwaan-kuye, oo mid la soo koobi karaayo maaha'e, idinkay-se bay idiin taalaa. waalidda lagama bosado, ee kolba way kugu soo badhi kacdaa, waa sidda askarigan jiho wareersan oo kale'e, bal intan yar iyana illa eega waa maanso koobane.


Maato yaa Ban Wadhay, ee beer-cadaad geliyey?

Waali aan bogsanyni, khiyaali bay ku bartaaye,

Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalayiyo,

Ma riiggii xumbo weynaa, ma babulaacad jabtaa,


Marka uu bari caayo, galbeed-na beero ku sheego,

Kolka uu baf-baf leeyee, baloodho raadinayo,

Bogcad reer u lahaa, intuu boob ku cadeeyo,


Ma bahal gaajo ku raagoo, beryo aydda dhex jiifoo,

Baadi soo helay baa, Askariga baaban bal eega,

Ba'na aan garanayn, xukun bawsa-dayoo,


Maskaxddii ka baxday, saw kumuu bula-qaasin.

Nin-ba meesha bugtaa, isagay belbe-shaayoo,

Bogga hoosiyo beerka, bay baguugaa ka dhigtaayoo,


Bestii uu la noqdaayoo, markuu baala day-moodee,

Arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya,

Uu ku buubo hinaase, bal miyuu yar bukoodiyo,


Ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo,

Buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo,


Basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda,

Waddani baa i bireeyey, kulmiyaa baabi'iseen.

Waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa,


Hadaaq uun la butaaca, sidda baabka askariga,

Kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta,

In uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho,

Hoogayey badatoo, ku basbeello sidaa.


 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan " Reer ba'aw yaa ku leh" Illaah haw naxariisto'e Cabdilaahi Suldaan Timacade, baa laga hayaa murti fara badan oo aan af lagu sheegi karin, warqad-na lagu qori karin, waxa ka mid ah "Duulkii inkaar qaba jinaa daasdaw tuma'" jinkii uu sheegaayeywaa " "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" kuwa durbaanka idiin tumayaa. 

Akhristaw ilayn hadal lama saar-naadee, miyeynu raali ka ahaan karnaa? Saw inaan iska baydhino maaha, meel inoo fayoobi ma jirtee, Bal ummad yahay u fiirsadda, oo is weydiiya mee dalkii, saw adigan u gacan galay kuwii aabahaa dilay, dab ku shiday adoogaa ee Koonfur,


, xataa neefkii adhiga ahaa carabtu kugu soo celisay, ee xamar kaa joojisay, kaas oo uu ku noolaa reer guuraagu, laf dhabarta u ahaa ummadeena, dib dambe loo dhoofin maayo, hawaddii wada argataan, dhamaan heshiis-yaddii Imaaraadka, ee lacag-teedda jeebka lagu shuban jirey ( awelba ummadu may arki jirine) waa ka kac. toos baad u noqotay Mamaul Goboleed, welina ma aydin dareemin xaal halkuu marayo ee goor maad wax ogaan doon-taan waa yaabe oo aad wax garan doon-taan sidani si maahee.


* N.B Hadba Beel Isku Qaadku, Waa Bukaan Aan Baxaynin, Cuqdad Beerka Dhamaysay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...