Macluumo yar oo ku saabsan Falsafadda (philosophy).

0
Monday May 15, 2023 - 08:51:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macluumo yar oo ku saabsan Falsafadda (philosophy).

    Marka laysku laro waxay noqonayaan Xikmad jacayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka laysku laro waxay noqonayaan Xikmad jacayl


Erayga "philosophy" waa eray asal ahaan Giriik ah waana laba eray oo isku lammaan oo kala ah:

Philo=jacayl

Sophia=xikmad.


Marka laysku laro waxay noqonayaan Xikmad jacayl. Falsafaddu waxay baadhis ku samaysaa axwaasha kawnkan sida Akhlaaqiyaadka,dhaqanka iwm,



Shaqsiga markasta is waydiiya su'aalaha fikirka ku dhisan waxaa loogu yeedhaa faylasuuf.

 

Fikirka guud ee falsafaddu waxa uu ku salaysan yahay Xikmad iyo jacaylkeeda iyo in lays warsado waydiimo dhankasta ka imaanaya oo fikir ku dhisan,waxaa jira niman falsafadda si aad ah ugu xeeldheeraaday oo ay meel xun la gaartay sida inay ka shakiyaan inay noolyihiin.


 

Faylasuufnimadu waa heerka ugu sareeya ee xikmada laga gaaro waxaa jira darajooyin ka hooseeya sida xikmaawi iyo murtiile.


Falsafadda markii la daba galo oo la baadho waxay noqonaysaa laba shay oo kala ah:


1:in ay noqoto qiyaali layska aaminsanaado.


2: iyo in ay noqoto baadhis xaqiiqo ku dhisan oo aan qiyaal lahayn.


Falsafaddu inta badan waxay danaysaa kobcinta garaadka aadanaha iyo kor uqaadista heerka wacyigooda.


 

W/Q Ahmed Cumar Ciise

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...