Dameer Meel Sare Tegay Bacaac Buu Soo Kordhiyaa Qaybbtii 2aad ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday May 14, 2023 - 16:13:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dameer Meel Sare Tegay Bacaac Buu Soo Kordhiyaa Qaybbtii 2aad ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Garasho Dameer Iyo Doqon Kibirtay, Mid-na Dawo Ma Leh!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Garasho Dameer Iyo Doqon Kibirtay, Mid-na Dawo Ma Leh!



Dameerka guriga dhakadiisa saarani,

Waa wuxu la mid yahay oo kale askariga " Xaafad-tooyadda". Waa kaas guriga dushiisa ka ciyaaya, ee leh Haaai-haaai.Dal dhisan ayaa dhakada laga saaray oo loo dhiibay. Dameer-kaasu marka la yidhaah-do,soo deg oo aamus, hadii uu soo degi waayo, waxay noqonaysaa In guriga badh lagu dumiyo, oo dadkii guriga ku jiray-na qaar badani ku dhin-taan. Hadaba askarigu waa sida dameer-kaas oo kale maanta, oo lagu leeyahay aamus oo soo deg.Haddii uu yeeli waayo kolkaas, tallo kale ma laha in qasab lagu soo dejiyo. Akhriste Askariga ku jira guriggii Moorgan waa " Raggii ma adigaa ka hadhaye" Waa tabtaa aan sare ku soo sharxay, waana halka ay imika xaaladu marayso.


 
Askarigu waxa kale oo uu dhinac ka shabahaa, doqonka la yidhaaho " Dhurwaaga" kaas oo aan wax-na reebin, abidkii aan dhergin, oo aan rabaysmin, ahana siddii aan qaybtii hore ugu soo sheegay " Ishii-qaate", oo micna-heedu yahay, kolba waa ishuu kugu arkaa, hadaad Yuur-Yuur tidhaah-do wuu kaa tegayaa, laakiin-se haddii uu il-daabaano kaa hello aabahaa dhinmy ee ogaw, haddii aynu u gallo xayawaanka kale, qaar-ba wax bay ku caan yihiin, maroodigu iyo geelu, way dul qaad badan yihiin, oo ilaah xoogoodda ma uu tusin, faa'iidooyin badana way leeyihiin. Jeermisku faa'iido iyo khasaara-ba wuu leeyahay, qaar baa wax lagu daaweeyaa, kuwo-na cudur bay keenaan. Maah-Maah baa waxay tidhaahaa " Garasho Dameer Iyo Doqon Kibirtay, Mid-na Daawo Ma Leh" Askari-guna waa kaas,aqoonta dameerka buu leeyahay.


Inta baalka leh (Waa haadda iyo shimbiraha'e) Iyana waxay leeyihiin kuwo hilibka cuna iyo qaar geedo daaq ah, laakiin waxay u badan yihiin, kuwo cidla joog ah, oo aan khasaare u lahayn, bani'aadamka, xataa kuwa hilibka cuna, raq bahal dilay bay kala qayb galaan, way ka caqli iyo maskax-ba badan yihiin " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo kuwa uu beela-hoodda u adeegsado, Sidda Bakhti-Dhego-Weyn, Xinif, Saylici, Ina Murjin-madoobe, Geenyo-Shaaximan, Daba-Dhaqe, Kooraysane, Kitaab-yare, saleebaan Cali koore, Nabanaha maaliyadda, kuwaasi waa nooca xil uun u waashay, waayo wax bay ku cunayaan, wax-ba kama gelin dal iyo dad, ee waa maxaanu cunaa, xadnaa, mana laha iimaan iyo dadnimo mid-koodna.


Xasharaadku ama cayayaanka ( Qof-ba sidduu u yaqaano), waxa jira qaar la mid ah Askariga, oo aan sinaba faa'iido u lahayn dhibaato iyo cudur abuur mooyaane, sidda Xaar wal-waalka, Duqsiga, kaneecadda, kutaanta,takfidda,shilinta, dhuugga, baran-baradda iyo wixii la mid ah. Waxa kaloo jira kuwo aan khasaare lahayn haba-yaraatee sidda Shinidda, Durdaha oo iyaku sameeya " Malabka" Shimbiro la cuno baa jira iyaka iyo beedka ay dhalaan-ba, waxa ka mid ah Digaagga, digitin-kuruska iyo qaar kaloo badan.


Muwaadin isku soo duuboo, marka aad waxa aan labadan qaybood ee maqaal-kani leeyahay ku soo sharaxay, wixii uu Rabbi naf-geliyey, meel uun bay leeyihiin lagu qaadan karo ama loogu xisho, laakiin-se Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Wax loogu xisho ama lagu qaato hadal-keed daa, illaah cidi usgageed-na ha ka dhigee ma jirto. Weli sheeko iyo shaahid, ma aan maqal mana arag, qof madaxnimo sisku sheega oo akhlaaq-diisu sidan tahay Skariga, wixii aduunka diktaatar soo maray waa inoo kaw. 

Waxan raali gelin siinayaa, oo aan meel kaga dhacay Ama aan xaal ka bixinayaa, dameerka aan bar-bar dhigay, kaas oo aan wax khasaare ah keenin, xataa Waraabuhu kan la mid maaha, waayo wax ina soo maray, oo lagu shabaho cid sheegaysaa ma jirto. 

Waxan ku soo gaba-gabeeyey qoraalkan maah-maah-ddii ahayd " Awr xamalkii wuu qaadaa, ee xadhig qaloocan ma qaado" Waxan leeyahay ummadan kani waad arag-taan in uu burburiyey dalka lagu soo dhintay, wax faa'iido ah, oo aad ka haysaana ma jirto ee ka tashadda. Murti Ingiriisi ah baa waxay tidhaahaa " Enough Is Enough "

Oo micna-heedu yahay marka la Soo koobo " In Dhibaato igu filan, faraqaan ku haystaa", ummad yahay, wixii hore idiinku dhacay, ee askarigan waalan iyo waxan hoos yimaadaa ay idinku sameeyeen, ha idiinku ekaato, ee wax dambe hawgu dul-qaadanina.


* N.B Garasho Dameer Iyo Doqon Kibirtay, Mid-na Dawo Ma Leh!

Qore= Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...