Wasiirka Maaliyadda oo ka Hadlay Qalab lagu Xoojiyey Biyaha Hargeysa

0
Sunday May 14, 2023 - 12:42:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo ka Hadlay Qalab lagu Xoojiyey Biyaha Hargeysa

    Dr Sacad oo uu weheliney Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Sacad oo uu weheliney Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa


Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dalkeena biyo la’aan aanay jirin balse loo baahan yahay in si wanaagsan loo adeegsado.


Maareeyaha Wakaalada biyaha Maxamed Cali Daarood oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in bishii Oktober sannadkii hore la bilaabay mashruuca kaabayaasha biyaha oo si wanaagsan u shaqeynayey, hore afar mishiin ayaa yaalay, waxa loo baahday mishiino kale oo lagu nasiyo.



"Mishiinada cusub ee korontada waxa loo keenay inaan wax-soo-saarkii biyahu aanu hakad ku iman.


Maareeyaha Biyaha ayaa bulshada caasimada uugu baaqay inay ku dedaalaan bixinta biilashada biyahooda.


Dr Sacad oo uu weheliney Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo kormeeray xarunta biyo-soo-saarka Geed-deeble oo la keenay qalab lagu kordhinayey biyo-soo-saarka Hargeysa ayaa uuga mahadceliyey Maareeyaha & shaqaalaha dedaalka ay ka sameeyeen biyo-soo-saarka muddo kooban.


Dr Sacad ayaa sheegay in biyaha iyo tamartu ka mid yihiin labada halbowle ee fure u ah horumarka isla markaana sababaha aynaan u gaadhin wadamadda hore-u-maray yihiin biyaha iyo tamarta oo cidhiidhi innagu ah, laakiin labadaba Ilaahay wuu ina siiyey, waxaanu yidhi,


"Inkastoo roobku aanu innagu badnayn sida wadamada qaar, haddana biyo badan ayeynu haysanaa, waxa ka mid ah biyaha badda. Waddamo badan ayaan biyo kale helin kuwa badda oo ay ka faa’iideystaan mooyee.”


Dr Sacad ayaa sheegay inaan biyahu dalkeena ku yareyn, laakiin loo baahan yahay in si wanaagsan loo isticmaalo.

Loading...
Loading...