Dawladaha Ree Galbeedku Ruushka ma ula macaamilayaan sida Quwad weyn(Super Power)?

0
Sunday May 14, 2023 - 12:37:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladaha Ree Galbeedku Ruushka ma ula macaamilayaan sida Quwad weyn(Super Power)?

    Waa dheeryahay qoraalka ee lasoco!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa dheeryahay qoraalka ee lasoco!


Kolkii uu Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu ku dhaawaqayay 24 February 2022 in Dalkiisu Dagaal(Hawlgal military) uu ka fulinayo Dalka Ukraine waxa uu hadafkeeda ku sheegay In Hub ka dhigis uu ku sameeyo dawlad Ukraine oo ku tilmaamay "Na*ziyiinta Cusub", Dhanka kalena waxa uu Dalalka Ree galbeedka uga digay inay soo faragaliyaan dagaalkaas, isagoo ku goodiyay inay Ruushka ka heli doonaan cawaqib xumo aan horay Dunida loogu arag mid lamid ah.



Hadaba aan is weydiino labaSu'aal:-

1-Yoolkii uu sheegay Putin inay uga gol lahaayeen Dagaalkaan ee ahaa in Ukraine hubka laga dhigo maxaa ka xaqiiqoobay sanad kadib bilowgii dagaalka?


2-Dawladihii Ree Galbeedka ee Putin uu udhigay khadka Cas ee aysan kasoo talaabi karin, ma aqbaleen soo jeedinta Moscow maadama lagu tiriyo Quwad military Oo weyn( Military Super power)?

1-Hub kadhigus Mise awood Heer gobolka ah.


Ukraine bilowgii colaadda February 2022, 48 saac gudahood Ciidamada Ruushka ayaa Khidmada ka saaray inta badan diyaaradaheeda dagaalka, waxana ay soo dul fariisteen Caasimadda Kiev, sidoo kale gobollo waaweyn oo ay kamid tahay kherson iyo Kharkiv ayaa si fudud waxa ugu daatay Ciidamada Daalayadaha kaga booda diyaaradaha ee Ruushka(Russian Airborne Forces) sidoo kale Ciidamada Cirka Ruushka ayaa si xor ah ugu duulayay hawada Ukraine, xulafada Ree galbeedka ayaana ugu baaqay Madaxweynaha Ukraine Veldamir Zelensky inuu kasoo baxsado Dalkiisa si aan loo khaarijin waana tallaab muujinaysa heerka quusta ah ee bilowgii hore ee dagaalka ay wajaheen dadka reer Ukraine, sidoo waxay tusaale cad utagay heerka taagdarro ee military Ukraine uu gaaray!


Maanta Ciiadamada Ukraine waa in kabadan 400 kun askari oo rasmi kuwaas oo haysta agabka kasta oo yeesho military heer gobol ah marka laga tago(marakiibta Dagaalka), kadib tababare ay kuso qaateen dhowr dal oo kamid dalalka NATO waxay awood uyeesheen inay dib uqabsadaan gobolka Kharkiv sido kale qeybo kamid ah kherson, waxa ay duqeeyeen gudaha Ruushka, saldhigyo ay yaallaan diyaaradaha duqeymaha Nuclearka(strategy Bombers) waxa ay si joogta u garcaan gobolo Ruush ah waxa ay Moscow ku khrijiyeen sarakiil iyo dad aad ugu dhow Putin, ilaa ay gareen in Drone ay ku weeraraan Kremlinka heybadda lahaa Ruushka, Havana waxay ay isku diyaarinayaan weerar rogaal celis ah oo ay ku qabsadaan dhulkooda.


2- Khadcaskii Casaa Ee Moscow!

Dalalka Ku midoobay Xulafada NATO ayaa jabiyay dhamaan khadadkii casaa(Red-lines) oo uu Ruushku sheegay inaan laga tallaabi karin, waxaana Ukraine muddo sanad ah, ay ugacangaliyeen hub kasta oo suura gal ah Sida, Taangiyada dagaalka Casriga ah(Main Battle Tanks) sida M-1 ABRAMS, Leopard-ka Germany iyo Challengerka ingiriiska, Nidaamka gantaalada Sida HIMARS Maraykanka oo Casri ah, Diyaaradaha Jiilka 4aad ee MIG-29, Nidaamka lidka Diyaaradaha iyo gantaalada Oo Ukraine ay ki wareejiyeen tobaneeye nuuc oo ugu sareeyo Patriot-ka Maraykanka, gadiidka gashamaan oo boqolaal ah, madafiicda Goobta (Artillery) Helicopterada, diyaaradaha Drone-ka, Rasaasta iyo saadka joogtada ah iyo Satellite-yada Ree galbeedka oo si toos ah xogta Ruushka ubaahinaya.


Intaas kuma aysan ekaan haatan waxaa Ukraine loo gacan galiyay gantaalada Kuruuska Ridada Dheer ee Harka Duufaanta(Storm Shadow) oo ah nuuc casri ah oo laga tuuro, diyaaradaha dagaalka kaas oo Ingiriis-Faransiis ay sameeeyeen, waxaana tallbadaasi ay wadada uxaareysaa in maraykanku uu Kiev siiyo Gantaalada ATACMS Iyo Harpoonka lidka marakiibta ah iyo xitaa kuruusyada casriga ah TOMAHAWk.


Sahanka Soocade

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...