RW Xamse oo magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka

0
Sunday May 14, 2023 - 09:32:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Xamse oo magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka

    Guddigan waxay kaloo qaban doonaan, tiro koobka hantida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigan waxay kaloo qaban doonaan, tiro koobka hantida



May be an image of 8 people and text



 

Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga tira-koobka, soo celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka.


 

Guddigan oo ka kooban 8 xubnood oo isugu jira wasiirro, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo garyaqaanka guud ee Dowladda, ayaa loo igmaday soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed ee sida sharci darrada loo haysto.


 

Guddigan waxay kaloo qaban doonaan, tiro koobka hantida hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda iyo dowladaha hoose, qiimaynta xaaladda ay ku sugan yihiin hantidaas iyo sida ugu habboon ee looga faaidaysanayo hantidaas.


 

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in hantida Dowladda ka maqan markii lasoo celiyo lagu fulindoono baahida loo qabo ee shaqada qaranka.


 

Gudiga la magacaabay ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya , Wasiirka Hawlha Guud Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsisho iyo xubno kale.


 

Magacaabista guddigaan ayaa ku soo beegmaysaa ka dib go’aanno maalmo ka hor ka soo baxay shirkii golaha wasiiradda ee khamiistii la soo dhaafay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasoo saldhiggiisu yahay, maaraynta maaliyadda, Maaraynta dakhliga, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Loading...
Loading...