Sideen ku sugi karaa waxa aan Akhrinayo?

0
Saturday May 13, 2023 - 17:24:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideen ku sugi karaa waxa aan Akhrinayo?

    Dooro wakhtiga aad Akhrinaso: in aad doorato wakhtiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooro wakhtiga aad Akhrinaso: in aad doorato wakhtiga



1- in aad xog ka hayso Buugga aad Akhrinaso: middaas waxa ay kugu Kaalmaynasaa in aad sifiican u dhex gasho mawduuca aad wax ka Akhrinaso, waxa muhiim ah inta aanad Bilaabin Buugga in aad ka hayso xog kugu filan, waxa kale oo aad mudnaan mudan in uu noqdo Buuggu mid kula Jaan qaadi kara fahan ahaan.



2- Hordhaca Buugga ha dhayalsan: marka aad Buug Bilaabaso waxa aad u wanaagsan in aad uga bogato hordhaca Buugga tusmooyin kiisa Ereyga Qoraaga, middaasi waxa ay kugu kaalmaynasaa in aad ku Go’aan qaadato si wadida Buugga iyo in aad ka Faa’iidaysan karto xogta iyo macluumaadka uu Buuggani xanbaarsan yahay.


3- Dooro wakhtiga aad Akhrinaso: in aad doorato wakhtiga aad Akhrinaso oo aad Goob dagan ku Akhridaa waxay kaa dhigasaa in aad si fiican u Weelayn karto xogta Buugga, waa muhiim in aad Goob iyo Goor kugu Haboon doorato haddaanu muuggu ahayn mid sheeko ah.


4- Buugga la sheekayso! Marka aad Akhrinaso Buug waxa kugu soo dhacayo Afkaar iyo xogo kaa hor imanaya mararka Qaar waa in aad isku daydaa in aad warcelin ka samayn kartid xogaahaas iyo fikiradaas, waa in aad Buugga la doodi kartaa mararka Qaar oo aad xogo dheeraad sii Raadin kartaa.


5- Buugga wax kala hadh: in aad isku daydo in aad ka Qoron karto xogaha kugu cusub ee kugu soo dhaca iyo kuwa aad ka dheeftaba, cilmiga iyo aqoonta dabinka ugu wayn lagu dabaa waa Qalin iyo Qoraal.


6- Sii Gudbi Buugga: wax yaabaha aad ku siin hayn karto xogta Buugga waxa ka mida in aad cid kale la sii wadaagto, sida in aad soo koobitaan ku samayso oo kale in aad la wadaagto Akhyaarta aad wax wada akhridaan Buugga in aad ku samayn kartid falaqayn.


7- Tiradu muhiim maaha tayada ayaa muhiim ah: in aad Akhrido 50-Baal oo aanad si fiican u dhuggan waxa ka wanaagsan in aad akhrido 10-Baal oo aad dhuuxday xogta ay xanbaarsan yihiin, mid ka mida culimadii mawduucaas ku caan ka ahayd ayaa yidhi " in aad Akhrido saddex Buug oo wanaagsan waxa ka sii wanaagsan in aad Akhrido Buug wanaagsan saddex Goor.”


8- Dooro Buugga: waxa dhacda in badan in Dhalinyaro badan ay aad u Garan waayaan Buugga ay dooranayaan oo aad Buugga aad aragtaba aad jeclaato in aad Akhrido waa ay fiican tahay in aad Akhrido Bugaagta kugu cusub laakiin middaas waxa ay kugu keeni kartaa daal.


Ku soo dhawoow Filasho

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...