Beledweyne Waa Beylah Dadkeeda Loogu Dayacay Iney Daadadku Qaadaan
Beledweyn waa Banadirta labaad oo muuqa uga eg degenaanshaha
iyo saxansaxada neecaawda qabow oo ay la wadaagta xiisaha loo qabo Xamar,
waxeyna ahayd hoygii laga soo aasaasay dowladnimada Soomaaliyeed.
Dowladnimadii halgankeedu ka soo curtay Beledweyne,
dadkeedu kama helin xuquuqdii ay ka mudnaayeen haykalka qaranimada Soomaaliyeed
oo ahayd in la hormariyo nolosha dadka.
Dowladnimadu waa horumarinta nolosha dadka, diintu waa
horumarinta nolosha dadka, dimoqaraadiyadu waa horumarinta nolosha dadka, dalka
waa dhul iyo biyo dhaxal looga dhigay barwaaqeynta nololsha dadka.
Xuquuqdii laga filayey in laga helo dowladdii
Soomaaliyeed oo ka soo curatay gobonimadii loo soo halgamey oo kaaheedu ka soo
iftiimay Beledweyne, dadkeedu waxay taas bedelkeeda ka dhaxleen in lagu
deyriyey daadad noloshoodii aafeeyey.
Dowladda Itoobiya ayaa webiga Shaballe meelo badan
gudaheeda uga sameysatay biyo xireen ay uga danleedahay sidii biyaha looga
cunoqabateeyn lahaa dadweynaha ku nool beledweyne, gaar ahaan wakhtiga jiilaalka ah, islamarkaasna lagu soo
fatahi lahaa biyo-xireenada wakhtiga guga ah oo webigu biyaha keeno.
Dowladda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in
tacadiyadaas salka ku haya siyaasadaha derisnimoxumida ku dhisan ee heysta dadweynaha
ku nool Beledweyne oo la xiriirta fatahaada biyaha webiga Shabeelle iney
wadahadal kala sameyso dowladda Itobiya.
Waxaa sidoo kale aan dowladda Soomaaliya looga
maarmeyn iney qaadato doorkeeda dowladnimo oo ah iney Beledweyne webiga
jiinkiisa ka hirgeliso mashruucyo lagu balaarinayo oo lagu dhisayo si looga
hortego fatahaada biyaha webiga.
Waxaa si deg deg ah loogu baahan yahay in Beledweyne
dhulkiisa baadiyaha ah laga hirgeliyo haro waaweyn oo loogu talagelayo iney
noqdaan dhul qoyan oo loogu leexiyo biyaha uu webigu soo fatahayo.
Qaasaraha uu
geysto sanad walba oo webigu uu Beledweyne ku soo fataho waa mid waxyeelo badan
u geysata dadka dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, barakac ahaan, ganacsi ahaan,
tacab ahaan, shaqaale ahaan, maamul ahaan, iyo isku socod ahaan.
Fatahaada Beledweyne waa masiibo qaran oo sanad walba
dib u soo noqota oo xal u helideeda aysan ahayn mid looga kaaftoomayo yaboohsi
kaalmo shisheeye oo dadka tabaleysan loogu soo tuugsado raashin saboolnimo
loogu soo deeqo.
Shacabka ku nool Beledweyne waxey dowladda
Soomaaliyeed xaq ugu leeyihiin iney deegaankooda ka hirgeliso mashruucyo lagu
hormarinayo nolosha dadka, loogana difaacayo aafooyinka uga imaanaya
cadowtooyada shisheeyaha deriska la ah.
Maganta dadweynaha ku nool Beledweyne ay u yihiin dowladnimada
Soomaaliyeed waa ineysan noqon mid ay Beledweyne ka dhaxasho saboolnimo,
horumar la’aan, yaboohsi ku noolaan, iyo beylah siyaasadeed oo loogu gumeeyo
iney miciin bidaan cadowga deriska la ah.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha
Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!