Gud. Saleebaan Oo Ka Hadlay Rasaas Xalay Ka Dhacday Ceerigaabo
"Waxa uu bulshada Ceerigaabo ka codsaday inay nabadgelyada ilaaliyaan"
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha
golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay
shaqaaqo kooban oo ka dhacday magaalada
Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha ayaa
sheegay in hadda xaalada nabadgelyo ee magaaladu degan, waxaanu mudanayaasha u
sheegay inay si dhaw ula socdaan arrinta ka soo cusboonaatay Magaalada
Ceerigaabo.
Waxa uu bulshada
Ceerigaabo ka codsaday inay nabadgelyada ilaaliyaan.
Loading...
Loading...