Qiime Dawladeediyo Qaranimadii Diidnay,Qabiil Haddaa Ku Noqotaan,Qoloqoliyo Reer Hebel,Qoyskee U Xoog Badan,Qalinka Aan Ku Duugne.

0
Saturday May 13, 2023 - 10:17:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qiime Dawladeediyo Qaranimadii Diidnay,Qabiil Haddaa Ku Noqotaan,Qoloqoliyo Reer Hebel,Qoyskee U Xoog Badan,Qalinka Aan Ku Duugne.

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],




Tu Khaas Ahana Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Qoonsi Wuu Dhacaayo,Qaabiilba Haabiil,

 

Qudha Inu Ka Goya,Qurankay Ku Taalo,

 

Qoraalba Inoo Yaal,Qofna Aanu Diidine,



 

Qodaxba Inoo Taala,Ilamaa Qiyaamaha,

 

Qorshe Weeye Shaydan,Qawlkii Ilaahay,


 

Quranka Cadeeyo,Wax Ku Qaadanmayne,

 

Qabiilkayna Qaatayo,Quwada Iyo Xoogah,


 

Qoladii Cadhootaba,Qori Inay La Bodaan,

 

Qaranimada Diidaan,Qadaf Bay Malataye,

 

Qiil Uma Helayne,Qunyaruun Cagaha Dhiga,


 

Qalfoof Dawladeedo,Qajajiyo Xanuuniyo,

 

Qandho Lagu Abuuro,Qaxar Lagu Qotomiyo,

 

Dhiig Badana Loo Qubay,Qalalas Iyo Buuqa,


 

Qardoofada Ka Dayo,Qomaha Iyo Boogaha,

 

Qanjiidhada Ka Dhawro,Qumanaha Kitaabke,

 

Qoorteenan Wada Sudhan,Qaarkeen Ha Turen,


 

Qaxar Dad Soo Dhamaysto,Quusta Aydin Leedin,

 

Hadaydaan Qaderinay,Qosol Hawgu Sii Darina,

 

Qudha Ruuxa Kuu Huray,Qiimee Wuxuu Geyo.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...