Ammaanka Magaalada Ceerigaabo Oo Ay Lawareegeen Ciidanka Milatariga Somaliland
"kadib markii ay magaalada ka dhacday xalay raas muddo socotay…"
Ceerigaabo (HWN) Ciidamada
Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la Wareegay Ammaanka guud ee magaalada
ceerigaabo,kadib Rabshado kooban oo xalay ka dhacay magaalada.
Saaka waxaa degan
xaalada nabad gelyo ee magaalada iyadoo
ay heegan sare lagaliyay ciidamada kala duwan ee qaran si ay u sugaan amaanka
iyo kala dabeynta Ceerigaabo.
Arinkan ay ciidanku qaranku
kula wareegeen amniga Magaalada Ceerigaabo ayaa daba socota kadib markii ay magaalada
ka dhacday xalay raas muddo socotay taasi oo la sheegay inay dhexmaraysay ragmaleeshiyaad
ah iyo ciidamo ka tirsan Somaliland, waxaana halkaasi la sheegay in dhaawac iyo
dhimasho hal qof ahi ay ka dhalatay rasaastaasi.
Loading...
Loading...