Dameer Meel Sare Tegay Bacaac Buu Soo Kordhiyaa Qaybta 1aad ( Abdi-Shotaly).

0
Friday May 12, 2023 - 19:30:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dameer Meel Sare Tegay Bacaac Buu Soo Kordhiyaa Qaybta 1aad ( Abdi-Shotaly).

    N.B Dameer Malab Saaray, Weeyaan Askariga Xaafad-Tooyadu".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Dameer Malab Saaray, Weeyaan Askariga Xaafad-Tooyadu".



 

 

Xayawaanku sidiisa-ba wuu kala xariifsan yahay, kala doqonsan yahay, kala siyaasad badan yahay, kala khiyaamo iyo shidaarad badan yahay, waanu kala nabad jecel yahay, oo wuu kala fulaysan yahay,kalana Degan. Hadaba aynu sii dhex gallo bal, oo aynu u kala saarno " Duur-joog iyo Degel-joog, Hilib-Cun iyo Geedo-Cun" Xataa marka lagu daro inta baalka leh ee duusha, kuwaas oo ka kooban " Haad, Shimbiro iyo Cayayaanka" Sidda Duqsiga, dooryaanka iyo wixii la mid ah. Akhristaw weli-ba, ku darso oo jeerimiska laftiisa sidda  Bakteeriyadda ( Bacteria) iyo fayruska ( Virus-ka) baa waxay kala leeyihiin wax-tar iyo khasaare, qaar baa cudur uun abuura oo kasaare keliya la nool, kuwo kale-na waxay kugu soo kordhiyaan faa'iidooyin fara-badan oo kala duwan iyo caafimaad. Bani'aadam-kuna waa La mid, oo noocya-daas iyo qaar ka sii wax-tar iyo khasaare badan intaba wuu leeyahay, oo jiritaan-kooduba yahay wax ay kharibaan uun, kuna foogan waaggii Alle keeno-ba Wax-yeello siddii uu ugu kici lahaa, wax faa'iido leh in looga aayaana ama ay soo kordhiyaan ay tahay " Sacabkoo Tima-yeesha Iyo Dameer San-Madaw" Marka aynu isku soo koob-no, waxaas aynu soo dul-marnay ee noocyadda kala duwan leh, bal aan isku dayo in aan in ka mid ah aan tusaale u soo qaato, ma wadda dhamayn karno haddii aynu is nidhaano dabadda ka wadda galla. Waxan rabaa qaar-ba in aynu mid ka soo qaadano, ee la socdda.

 

 Muwaadin, qaybta hilibya-cunka ah ama habar dugaag,waxa ugu khiyaamo badan, uguna taag yar bahasha la yidhaaho " Danyo Cali" ( Waa dacawo'e), ma laha wax faa'iido ah khasaare mooyaane, waxay-na ku nooshahay shiraad ah siddii ay kaaga faa'iidi lahayd, 00 ay wax kaaga cuni lahayd.

 

Waraabuhu isagu waa ka ugu doqonsan ugna fulaysan, oo waa " ishii qaate" kolba waxa uu kaa arko buu ku dhaqmayaa, haduu ku eryan karo, cag kuu dhigi-maayo, haduu ku arko in aanu kaa cunayna, kugu soo tahan-baabi maayo. Waa sidda iyo qaabka ay u dhaqmaan Askarta " Xaafad-tooyadu" Iyo kooxaha ay ku adeeg-taane.

 

Xaga Geedo-cunka, Dameerka baa ugu doqonsan, oo waa bilaa garsho, wax daaq mooyee feker kale ma laha, tallo-na ma leh, somalidu waxay ugu maah,maahdaa Dameer malab la saaray ma garto la soo dheg oo cun" Waxase uu askariga " Raggii ma Adigaa Ka hadhay" ku dhaamaa wax-tar buu leeyahay, oo waa la rartaa, haddii uu nolol wacan gaallo, oo meel sare fuullo iyo haddii kale-ba " Dameer Waa Dameer Uun" Asjariguna waa kii uun aynu naqaanay, laakiin Askarigu wax faa'iido ah iyo wax,-tar mid-na ma leh haba-yaraatee, khasaare geyso iyo burbur,wax xad iyo islu dir mooyaane, waxa keliya ee ku qufulan, gaajo ku kor baad tahaye, xoollo buuxso, oo dhereg mooyee,wax kale ha ka eegin, dameerku ma jiro wax uu colaad gaar ah u hayaa, kanu-se waa ciil qabe, cudur cuqdad ahi ay googoosay beerka, oo garasha-diisu ay hoos ka sii xigto dameerka.waxa uu leeyahay khasaare joogto ah. Adoon meel dheer-ba ka sii doonon, markiisa hore-ba wuxu ahaa " Ina Cabdi Dameer" Ee saw kuma fasil-maayo murtiddii tidhi " Awr waliba awrkii Dhaluu Aarankii Yahay"

 

La Soco Qaybta 2aad.

* N.B Dameer Malab Saaray, Weeyaan Askariga Xaafad-Tooyadu".

Qore"- Abdi-Shotaly


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...