Magacyada Laba Fanaan Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho
Allaha u naxaristee
waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanad Khadra Cumar Dhuule oo
uu dhalay Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Dhuule Cali.
Fannanada ayaa la
sheegay in dhowaanahan ay ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho halkaa oo ugu
danbeyn ay ku geeriyootay.
Allaha u naxariistee
Khadra Cumar Dhuule oo isla maanta lagu aasay qabuuraha iskool buluusiya ee
Muqdisho.
Dhanka kale Alle ha u
naxariistee Fanaankii Qaranka Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyooday
dalka Germany ayaa isna maanta lagu Aasay Magaalada Muqdisho.
Aaska labada marxuum
waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee
Soomaaliya, abwaaniin, fannaaniin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maareeyaha golaha
murtida iyo wacyi gelinta qaranka Abwaan Cismaan Cabdulle Guure oo ka tacsiiyay
ayaa yiri, ”bashar waliba waa dhiman ballan weeye geeridu, qofna baaqan maayee
allow buddooda u nuuri, Allaha u naxariisto, anagana gadaashood ilaahay nama
fidneeyo.”
Maareeye kuxigeenka
golaha murtida iyo wacyi gelinta qaranka, abwaan Maki Xaaji Banaadir, oo aaska
kadib la hadlay warbaahinta ayaa isugan ka tacsiiyey geerida labada marxuum
isagoo ugu duceeyay jannatul firdowsa.
BBC