Masuul Reer Laascaanooda Oo Muuse Xilkii Ka Qaaday Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadistiisa.

0
Friday May 12, 2023 - 10:08:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Reer Laascaanooda Oo Muuse Xilkii Ka Qaaday Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadistiisa.

    Masuul Reer Laascaanooda Oo Muuse Xilkii Ka Qaaday Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadistiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Reer Laascaanooda Oo Muuse Xilkii Ka Qaaday Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadistiisa.

 

Hargaysa (HWN) Badhasaabkii gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo uu shalay xilka ka qaaday Muuse Biixi ayaa ka dareen celiyay xilka qaadistiisa.

 

"Mahadcelin Madaxweyne

Mudane madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa Mudadii aadka u badnayd ee aan Dhinaacaga ka shaqayanayay iyadoo aad i siisay tageero Mug iyo Miisaanleh, iyo Fursad wanaagsan oo aan kugula shaqeeyo Mudo badan.

 

Mudane madaxwayne waa sunaha dawladnimo in maalinba qof qalinka loo dhiibo oo kan kalena la Nasiyo, waxaan kaaga mahadcelin inaad maanta i Nasiso,

 

waxa aan aad usoo dhawaynayaa Saxiibkay oo aan hore xilka ugala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, isagana ku wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

 

Waxaan si gaara ugu Mahadcelinayaa wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, Maamulka Degmada Gabiley, Degmooyinka kalle ee gobolka gabilay, iyo Bulsho waynta Gobolka Gabiley sidii quruxda badnayd ee ay iila shaqeeyeen mudadii aan xilka hayay. "


Loading...
Loading...