Bada Berbera Oo 10 Cisho Gudahood Ay Ku Dhinteen 4 Qof & Mooganaanta Xukuumada

0
Friday May 12, 2023 - 10:02:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bada Berbera Oo 10 Cisho Gudahood Ay Ku Dhinteen 4 Qof & Mooganaanta Xukuumada

    "Alle ha,unaxariiste waxaa uu naftiisa ku waayay Isagoo dad Baddu Liqday badbaadinaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Alle ha,unaxariiste waxaa uu naftiisa ku waayay Isagoo dad Baddu Liqday badbaadinaya"



 

Berbera (HWN) Marxuum Cabdirisaaq Saleebaan Siciid waxaa uu kamid ahaa dhallinyarada magaalada Berbera , wuxuu Ku dhintay oo liqday badda Berbera Waxaana la sheegay in Badda uu u galay inuu soo badbaadiyo oo u gargaar dhallinyaro dalxiis Berbera u tagtay oo baddu Liqday.

 

3 qof ayuu sabab u noqday inuu soo badbaadiyo, Laakiin isaga iyo gabadh ayaa badu Liqday oo ku dhintay badda.

 

Marxuum Cabdirisaaq wuxuu geesi dhallinyaro ah oo dhintay isgoo naf kale badbaadinaya. Alle naxariistii janno hawgu deeqo.

 

Dhawaan ayay ahayd markii bada Berberi ay sidan oo kale uliqday laba dhalinyara ah oo markii dambe maydkooda laga soo saaray, halka qaar kalana laga soo badbaadiyay isla maalintaasi.

 

Maamulka Degmada Berbera iyo guud ahaanba xukuumada Muuse Biixi ayaa ku guuldaraystay inay sameeyaan ka hortag ama nidaam lagu ilaalinayao dadka usoo dabaal taga bada.

 

 


Loading...
Loading...