DEG DEG MD Muse Biixi oo Guddoomiye cusub Magacaabay Gobolka Sool

0
Thursday May 11, 2023 - 14:01:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG MD Muse Biixi oo Guddoomiye cusub Magacaabay Gobolka Sool

    Guddoomiyihii Gobolka Gabiley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii Gobolka Gabiley


Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo uu xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.


 

Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe

Guddoomiyihii Gobolka Gabiley

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha



 

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland.

 

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka.

 

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi;


 

Waxaan Go’aamiyey;


 

1. In Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland.


 

2. In aan Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye u beddelo in ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland.


 

3. In Cabdikariim Siciid Aw Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland.

Loading...
Loading...