Waxaan Halkan idinku soo gudbinaya Maahmaahyo Caalami ah oo aan u arkay inay Xikmad ku Jirto.

0
Thursday May 11, 2023 - 11:41:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Halkan idinku soo gudbinaya Maahmaahyo Caalami ah oo aan u arkay inay Xikmad ku Jirto.

    Is qaadqaadku Waa jaahilnimo (Maahmaah Spanish ah)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is qaadqaadku Waa jaahilnimo (Maahmaah Spanish ah)

hadaba adiga Maahmaahdee yuu kugu Xikmad badan


1: Haddii aad dharagto roodhidu dhadhan kuma yeelanayso (Maahmaah Scottish ah)

2: haddii aadan dhoola cadeyn Karin ha Furan dukaan ( Maahmaah shinees ah)

3: hadii aad aragto ummad halaabay waxaad eegta dumarkooda (Maahmaah faransiis ah)

4: Ninba Calafkiisu samaysta ( Maahmaah ingriis ah)



5: Caqligaaga oo aad cilmi ku hubayso ayaa ka wanaagsan jidhkaaga oo aad dahab ku qurxiso (Maahmaah shinees ah )


6: Is qaadqaadku Waa jaahilnimo (Maahmaah Spanish ah)

7: Iska ilaali gabadha wanageeda ka sheekaysa iyo ninka adkaysigiisa ka shekeeya (Maahmaah faransiis ah )

8: wiilkaaga Shanta sanno ee ugu horeeya ula dhaqan sidii Amiir tobanka sanno ee ku xigana adoon Kadibna La saaxiib (Maahmaah hindi ah )


9: inaad dad noqotaa way fududahay lakin inaan nin noqotaa way adagtahay (Maahmaah ruush ah)

10: Qoyskaygu waxay I bareen sida loo hadlo dadkuna waxay I bareen sida loo aamuso ( Maahmaah Czech ah 

11: Cadhadu waa dabayl Xoog badan oo damisa Laanbada maskaxda (Maahmaah mareykan ah)

12: Kuwa wax bixiya yaysan ka Hadlin wax bixintooda lakin kuwa qaata ha Xasuusnaadan (Maahmaah bortaqiis ah 

13: Geedka wayni wuxu ka hadh badan yahay midhaha (Maahmaah talyaani ah )

14: Halganku Waa ka dhimasho badan yahay gaajada (Maahmaah German ah )

15: Maalina beer maalina Cun ( maahmaah masaari ah )

16: Ha ilaawin geerida iyaduba kuma ilawdee ( Maahmaah Turki ah )

17: Raaxada aargoosigu waxay waarta daqiiqado kooban lakin raaxada cafiska ayaa waarta ( Maahmaah Spanish ah )


18: Hadii aanad shandada (Boorsadaada) Lacag ku haysan waa inuu Carabkaagu noqdaa Xariir (Maahmaah Malaysian ah )

19: dhawr dhibcood oo biyo ah ayaa miisaan sameeya (Maahmaah Japanis ah )

20: Shinbiraha Alle ayaa siiya cuntadooda Lakin waa inaad duusha si aad u gaadho (Maahmaah Jarmal ah )

21: Jacaylku Lacag maaha (Maahmaah Faransiis ah )


22: Hadii aad Saaxibka Amaahiso lacag labadaba waad waayaysaa ( Maahmaah Faransiis ah )

23: Qofkii guursada gabadh qurux badan wuxu u baahan in ka badan labba indhood ( Maahmaah ingriis ah )

24: Qofka doonaya inuu gaadho hadaf waxa hoos u dhigaya Macnaheeda (Maahmaah faransiis ah )


Ahmed Abdirashid Warmoge

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...