Waxay Dhashay Waxeeddii ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday May 10, 2023 - 14:46:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waxay Dhashay Waxeeddii ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi " Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi " Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye


Horaa loo yidhi " Abuur lama dooriyo " oo micna-heedu yahay, marka la Soo koobo, wax kaste oo aad is tidhaaho ku samee ama ku waani, qof-na abuur-tiisu lama bedeli karo, oo wuxu u dhurtaa abuurtii illaah u sameeyey. 

Waana dhab oo Rabbi naf uu hore u uumay, ruuxii oo nool in uu wax ka bedel, waa ina wax kama jiraan iyo biyo col dhaanshay, ilaa uu dib u soo saaraayo ayaantii xisaabta ee " Yoomal-qiyaamaha" Haddii aad intaas ila fahan-teen hadaba, akhristaw, aan ku soo dhawaado ujeedadda aan ka leeyahay micnaha uu " Cinwaanku Maqaalku" Qeexaayo ee maskaxdda fur,waxay-na sheekadu tahay, beri baa nin xaas-kiisu ay saddex jeer oo isku xiga, ay umushay ilmo aan dhamays ahayn ama dhicis ah, mar afraad-kii bay hadana fool qaaday, oo misana uu daayin ka keenay mid siddii hore ah. Nin ay saaxiib ahaayeen oo ogaa in uu xaasku u foolanaayo, baa ku yidhi waar waa tii gabdhu foolanaysaye maxay umushay? Isaga oo aan yaabin-ba baa wuxu ugu jawaabay " Waxeeddii bay umushay".



 

Waxa la yidhi " Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye" kan waynu sii garanaynay wuxuu ku dibiro dhacsan doono, si wacana waad u aragteen, ee maxaa tallo idiin ah? Waxan maanta u soo qaatay odhaah-daas, hore baa maah-maahi u ahayd " Waano dhalan baa ka adaga'e" Askariga raggii ma adigaa ka hadhay, malaha khudbad ku sheeg-tiisii, waxad ka filayseen in wax hagaaji-naayo,oo wax ummadda u cuntama keeni doono'e, sidda nin-kaas aan sare ku soo qaatay " Wuxu umulay wixiisii xilka lahaa, waxana uu la shir yimi, wixii uu la badhaacin jirey ee ahaa " Xintankii lagu yaqaanay" Waxa uu ku hungaacay oo debedda uga soo if-baxday, mililkii caloosha jiifay ee ahaa nacaybka beelo gaar ah, kuwaas oo ah " Harti ( Waa Warsan-Geli iyo Dhulbahante'e) Samaroon iyo Garxajis. 


Murti hore ayaa ahayd " Inkastuu dur-dur iyo dabaal gallo, doofaar abidkii ma daahiro, oo isma doorsho weliggii" Muwaadin tanina waxay inoo fasilisaa, haduu qofkii si kaste uu jano iyo barwaaqo u hello ( Xaaraan iyo xalaal tay doonto ha noqotee), wax-ba iskama bedelaan, oo waa kii aad ogayd uun, waanu ka sii daraa, kibir iyo isla weyni hoosta ka qalaalan iyo waali ayuun buu sii kordhiyaa, waa sidda askariga aan sare ku xusaye. Kana waaba kii oo awood is biday. Ummad yahay, ma waxa aad ka rajo qabtaan, kaas u xintamaaya siddii laba hablood oo adhi jir ah? Ka naf ka sugayaw adaa ka sii liita.


 

Waxa malaha la yaab-teen, wixii uu ku matagay, ee ahaa " Xusbi-yadda Mucaaridku kharashka doorashadda" wax haka soo bixiyeen, ee saw idinku kama daridin, markaad kaas wax khayr leh in uu sheego aad ka sugayseen, ilay waxani dad maahee, laakiin leh sawirka bani'aadamka. 


Rabbi haw naxariisto'e Abdillahi Suldaan ( Tima-cade) Baa isna yidhi, markuu ka yaabay qaar siday u dhaqmayaan yihiin wax dadnimaadda ka baxsan ( Waa sidda askariga'e) Saddex marka la arko waa dunidda oo la rogaayo, waxay-na yihiin saddx-daasi oo yidhi " Arintaas sal-dhigeedu waa sacabkoo tima yeesha, saabuun xoor laga waayey iyo waa dameer San madaw" Ma jiro dameer San madoobi, ee way waadda San cad yihiin, taas baana aynu haynaa, oo dameer San madaw baa dalkii kharibay. 


Xikmad kale oo Somaliyeed baad iyana tidhaaha " Inkastoo la hagaajoo, hu magaalo la saaro, ragga kiisa hagaahsan iyo halyey loogu dhawaaqo, hoori waa iska hoori, waa halkaad ku ogaydoo, abidkii isma doorsho" Sidda ay sheegayso murtidani, kii is lahaa wax buu soo wadaayaw, shakhsi-gani waa kii uun. 

Mansuuliyad kaste oo uu qaadaa, in ay wax u tartaa ama hab-dhaqan-kiisa wax ka bedeshaa,waa habeenkii xalay ee tegay. Hadaba wixii uu la shir yimi askarigu ee khudbad ku sheegta ahayd waxay noqdeen" 3-daas qodob ee uu Tima-Cade sheegay ( Ihun). 

Waxan ku soo xidhan maqaalkan, intaas oo murti ah ee aan sare ku soo taxay iyo qaar kaloo badani-ba, saw kuma banaana " Askariga iyo kuwa kaas ka sii amar qaata, ee hoos fadhidda. Ugu dambayn waxan idin leeyahay dal iyo dad soo noqda haddii aad rabtaan, ka tashadda xaaraamigan waalan.


* N.B Arintaas Sal-Dhigeedu, Waa Sacabkoo Tima Yeesha, Saabuun Xoor Laga Waayey Iyo Waa Dameer San Madaw!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...