Dhuux Baraar Iyo Bucur Baceyr

0
Wednesday May 10, 2023 - 13:39:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuux Baraar Iyo Bucur Baceyr

    Waad wada salaaman tihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waad wada salaaman tihiin.


No description available.


Odayaashiinnan Habar Jecle Galbeed (Toljecle), waa hubaal, oo Dhuux Baraar iyo Bucur Baceyr, haddii ay Boqoro ahaan jireen iyo haddii ay Caada-qaadtayaal ahaan jireenba, waa hubaal, oo niman Gabooye ah, ayay ahaan jireen.


Sidaas darteed, waa inaad ka hadalkooda iyo sheeg-sheegiddoodaba, waa inaad Gabooye u deysaan; oo aydinnaan ku qabsannin - bi idni Allaah.


Odayaashiinnan Habar Jecle Galbeed (Toljecle), idinka oo aydinnaan taariikhdiinnii dhaweyd, ee qarniyadan dhow, ee 19aad iyo 20aad, idinka oo aan ka run-sheegeynnin, oo xataa deegaannadii iyo taariikhdii awowyaashiin, ee shaleydan ahayd, idinka oo aydinnaan ka hadleynnin, oo aydinnaan sheeg-sheegeynnin, oo aydinnaan soo ban-dhigeynnin, oo xataa


abtirisiintiinnii aydinnaan hoos ka bilaabeynnin, oo kor u abla-ableyneynnin, oo odey kasta aydinnaan deegaan ku sheegeynnin, oo odey kasta aydinnaan taariikheyneynnin, waa hubaal, inaad Caada-qaadtayaal Gabooye ah iyo Hebellayaal khuraafaad ah, waa hubal, oo inaad ubadkiinnan aad taariikh aad leedihiin uga dhigtaan'i, wallee waa idinku ceeb iyo dheec, aan idinka hadhi doonnin; oo waad la wada god-gali doontaan - Alla kama dhigo'e.


Odayaashiinnan Habar Jecle Galbeed (Toljecle),


waa inaad inta goortu ay goor tahay, waa inaad fikirtaan, oo khuraafaadkan aad wada ogsoon tihiin, fadlan waa inaad ka xorowdaan, oo haddeertan ayaad maktabadayaal nool aad tihiin'e, fadlan waa inaad taariikhdii Habar Jecle Galbeed (Toljecle), ee saxda ahayd, ee aad wada garaneysaan, fadlan waa inaad ka run-sheegtaan; oo aydinnaan la wada xabaal-galin - bi idni Allaah.

Tixgalin mudnaan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

tashiwanaag.com/

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...