Gooja-Cade Laga Guurmaaye,Garaadoow Wax Garad Noqo.
Tukhaas Ahana Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Nooga Guura Gooja-Cade,Waa Garaad Xumo,
Gunimo Yelmayno Dalko,Gobolba Reer Sheegto,
Geedi Socodka Daroodnimad,Gacan La Leediine,
Lagu Garay Garaadadu Waxay,Golaha Keeneen,
Gumaado Dadkoodii Gubo,Geeri Dhaxalsiiye,
Goblan Iyo Qaxoontay Badeen,Gaajo Iyo Oone,
Gurmadkii Buqlaan Iyo Jigjigi,Baaqigii Guba’e,
Gunimaad Macaashteen,Waxaan Uumiyu Geyn,
Godob Iyo Waxaad Beerateen,Gogol Colaadeed,
Geyaaniyo Xigaalaba Jarto,Goyse Xididkiiye,
Guur Beele Hablii Reer Garaad,Goofna Lagu Tuur,
Googaalaysan Maynee Intaas,Geliya Diiwaanka,
Dhulku Guurimaaye,Dadkoow Qaata Gogashiina,
Gobolkuna Dadbu Leeyahayo,Doonayoo Degaya,
Derdernaantu Waa Caadadeen,Duminta Reerkiinu,
Durbaan Beenah Shaydaan Tumaad,Dabadhaqaqdan,
Daniyo Dabkiisiiba Bakhtiyey,Oo Ka Dalandoolay,
Dabinuu Idiin Qoolayba,Dalaq Tidhaahdeene,
Dantii Nimaan Aqoon,Ragnimaan Dibugu Laabnayn,
Digashiyo Anoon Doonahayn,Dadaan Wax Yeeleeyo,
Dibu Raaca Taariikhdu Waw,Daw Mar Aadmiga.
Dakharadii Ustaadkiyo Siyaad,Kama Dikhootaane,
Duul Waalan Inaad Tiin,Kuwaasa Diin Ka Dhigataan.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!