Xildhibaan Sheegay Inay Puntland Qorshaynayso Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland

0
Wednesday May 10, 2023 - 12:57:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Sheegay Inay Puntland Qorshaynayso Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland

    "Marka hore, hadalkaasi waa qiraal cad oo uu ku qiranayo in maamulkiisa colaad u joogga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka hore, hadalkaasi waa qiraal cad oo uu ku qiranayo in maamulkiisa colaad u joogga"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Mohamed Hussein Jama Raamboo oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu qorshaynayo in uu weerar ku soo qaado Somaliland bishan May ee aynu ku jirno, sida uu ku sheegay xildhibaanku qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Madaxwaynaha Puntland waxa uu ku hanjabay inuu dagaal ku soo qaadayo Somaliland bishan May gudaheeda.

 

Marka hore, hadalkaasi waa qiraal cad oo uu ku qiranayo in maamulkiisa colaad u joogga ahi uu huriyay dhibaatada ka socota Laascaanood.

 

Marka labaad, waxa uu cadayn u yahay in Puntland ay soo qaadayso weerar bishan May gudaheeda oo ay ku tahay weerar ciidanka qaranka iyo shacabka Somaliland ee ku sugan gobalka Sool, gaar ahaan Laascaanood.

 

Hadalkiisu waxa uu marag muujin u yahay cadaymihii ay hore dawlada Somaliland u soo bandhigtay ee ay ku sugtay in Puntlad ay tahay cidda wada colaadda Laascaanood ee doonaysa in aan deegaankaasi degin oo yeelan xasilooni uu ku badhaadho.

 

Maamulka Puntland ee taagta darani ma gaadhi karo guul ciidan si kasta oo uu weerar u soo qaado, balse waxa uu doonayaa in aanay magaalada Laascaanood degin oo aanay  shacabka Laascanood ku soo noqon magaaladoodii.” Xildhibaan Mohamed Hussein Jama


Loading...
Loading...