Ra'iisul Wasaarihii Hore Ee Pakistan Imran Khan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
Wednesday May 10, 2023 - 07:24:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaarihii Hore Ee Pakistan Imran Khan Oo Xabsiga Loo Taxaabay

    "Tobaneeyo kiis ayaa lagu soo oogay Mr Khan tan iyo markii xukunka laga tuuray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tobaneeyo kiis ayaa lagu soo oogay Mr Khan tan iyo markii xukunka laga tuuray"



 

Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda sare ee caasimadda Islamabad.

 

Mr Khan ayaa ka soo hormuuqday maxkamada isagoo lagu eedeyay musuq maasuq, halka uu ku dooday in eedeyntaasi ay salka ku heyso arrimo siyaasadeed.

 

Wararka ayaa sheegaya in Mr Khan ay xireen ciidamada oo wata gawaarida gaashaaman kadib markii uu gudaha u galay dhismaha maxkamada.

 

Waxaa xilka RW laga tuuray bishii April ee sanadkii hore, waxa uuna tan iyo markaas u ololeynayay doorashooyinka in la qabto xilli hore.

 

Doorashada guud ee dalka Pakistan ayaa lagu wadaa in la qabto dabayaaqada sanadkan.

 

Tobaneeyo kiis ayaa lagu soo oogay Mr Khan tan iyo markii xukunka laga tuuray.

 

Ciidamada amaanka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in ay ku xiraan hoyga uu ka degan yahay magaalada Lahore, balse waxaa hor istaagay taageerayaashiisa.

 

Bishii Nofembar ee la soo dhaafay ayuu ka badbaaday weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday xilli uu mudaaharaadayay.

BBC

Loading...
Loading...