Sacuudi Carabiya Iyo Syria Oo Dib Usoo Celiyey Xidhiidhkooda
Madaxweynaha Syria
Bashar al-Assad ayaa Talaadadii xaqiijiyey dib ugu soo laabashadiisa xeendaabka
Carabta kadib markii dalka awoodda badan ee Sacuudi Carabiya oo muddo diidanaa
uu sheegay inuu dib ula billaabayo xiriir diblomaasi.
Soo-celinta xiriirka
diblomaasi, oo markii dambe ay xaqiijisay Dimishiq, ayaa yimid in ka badan 10
sano kadib markii Riyadh ay wakiiladeeda la baxday intii uu socday dagaalka
sokeeye ee Syria, iyo laba maalin kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu soo
geba-gebeeyey sideed sano hakad ay ku jirtay xubinnimada Syria.
Boqortooyada "waxay
go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Syria,” ayey
bayaan ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.
Bayaanka oo ay baahisay
wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in Riyadh ay raadin
doonto "horumarinta dhaqaaq carbeed oo wadajir ah.”
Wakaaladda wararka
Syria ee SANA ayaa tiri "Jamhuuriyadda Carbeed ee Syria waxay go’aansatay inay
dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Sacuudi Carabiya,” ayada oo soo
xiganeysa wasaaradda arrimaha dibedda.
Sacuudi Carabiy ayaa
19-ka May marti-gelin doonta shir madaxeedka xiga ee Carabta.
Assad ayaa siyaasad
ahaan ka go’doonsanaa gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria, balse
dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowr ah ayaa socday toddobaadyadii tegay.
Go’aankan ayaa yimid
toddobaadyo kadib markii ay xiriirka diblomaasi soo celiyeen Iran oo xulufo la
ah Syria iyo Sacuudi Carabiya.
Saddex toddobaad kahor,
Assad ayaa Dimishiq kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin
Farhan, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee sarkaal
Sacuudi ah uu dalkaas ku tago tan iyo 2011.
Sacuudi Carabiya ayaa
xiriirka u jartay dowladda Assad 2012, waxaana Riyadh ay mudda taageereysay in
xukunka laga tuuro Assad ayada oo la safan mucaaradka Syria, marxaladihii hore
ee dagaalka.
Assad ayaa rajeynaya in
soo-celinta xiriirka dalalka Khaliijka uu horseedi doono kaalmo dhaqaale iyo
maaliyadeed oo dib loogu dhiso dalkaas.
VOA