Xayawaanka Yeyda

0
Tuesday May 09, 2023 - 11:17:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayawaanka Yeyda

    Guud ahaan yeyda aduunka kunool waxa looqaybiyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan yeyda aduunka kunool waxa looqaybiyaa

Yeydu waxa ay kamid yihiin boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda ladhabarleyda ah (Chordata) gaar ahaan bahweynta Naasleyda (Mammalia). Sidoo kale yeydu waxay ku jiraan noolayaasha hilib cunka ah (Carnivora), qoyska hoose ee micileyda (Canidae) kuwaas oo ay ku jiraan Dacawada, Yeyga iyo Eyda. Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Canis lupus).


Guud ahaan yeyda aduunka kunool waxa looqaybiyaa laba nooc oo kala ah: Yey leh midabka danbaska oo kale ah (Grey wolf) oo asal ahaan kasoo jeeda qaaradaha yurub iyo waqooyiga ameerika iyo Yeyga cas (Red wolf) oo isna asal ahaan kasoo jeeda gobolada mareekanka ee Tagsis iyo Balsafeeniya, labadan nooc waxaa aad u weyn nooca hore ee danbaska u eeg.



Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Wolf), Carabidana (ذئب). Afka Soomaaligana Yey. Cimriga yeydu waxa uu gaadhaa 6-8 sano, balse haddii la xanaaneeyo waxay noolaan karaan 17 sano, dhererkiisuna 120 ilaa 200 sentimitir , halka uu culayskooduna gaadho 36 ila 79 kiiloo. Yeydu waxay leeyahay 78 hiddo-side iyo 42 ilkood. Sidka yeydu waa 63 maalmood, badanaa waxay dhalaan 4 ilaa 6 ilmood, kuwaas oo ku qaangaadha 3 sano. Xayawaankani waxa uu kamid yahay dugaaga hilib cunka ah, gaar ahaan wakhtiyada cadceedu qabaw dahay, waxaana marmarka qaarkood la ogaaday inay cunaan noolayaasha kale ee dhintay, markay xaaladuhu adkaadaan. Yeydu waa xayawaan aad u dheereeya kaas oo saacadii jari kara 36 ilaa 38 mayl.


Yeydu badanaa waxay u dhintaan dhawacyada kasoo gaadha ugaadhsiga ama dagaalada ay galaan, yeyda waxay wax iska dhalaan laba xayawaan haday isu tagaan, kuwaas oo kala ah eyga iyo xayawaanka looyiqaano (Coyotes) oo laga helo qaaradda ameerika kaas oo ka weyn eyga kana yar yeyga. Sida xayawaanada kale eyga aad bay u adag tahay in la rabaysto oo lala noolaado sababtoo ah waxa is bedesha dabeecadihiisa. Yeygu waxa uu kamid yahay xayawaanada dad cunka ah ama dad qaadka ah (Man-eaters), sidoo kale yeydu waxa ay kamid yihiin xayawaannada la filaayo inay adduunka ka dabar go'aan wakhtiyo dhaw udhaasiga lagu hayo awgood. Ugu danbayntii yeydu waxaa la rumaysan yahay inaanay kunoolaan jirin dhulka soomaalida inkastoo ay jiraan noocyo aad u yaryar oo lagu tiriyo bahda yeyda kuwaas oo laga helo qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

W/Q: Dr.ibraahin Dhuxul
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...