Nin Waalani Reerkuu U Taliyo Wuu Gubaa ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday May 09, 2023 - 11:06:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Waalani Reerkuu U Taliyo Wuu Gubaa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Gurigga Rara Baad Tidhaa, Hadana Roga Baad Tidhaa, Hadaan Reer-Kuba Degayn, Xagaan Kuu Raacayaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Gurigga Rara Baad Tidhaa, Hadana Roga Baad Tidhaa, Hadaan Reer-Kuba Degayn, Xagaan Kuu Raacayaa?



Beri baa waxa jirey, nin waalan oo reer lahaa, maalin ayaamaha ka mid ah, baa u damcay in uu reer-kiisii gubo, caruuta iyo xaas-kana uu dilo, halkaas markuu xaalku marayo, baa kuwii isaga Hayey, ee dad u xigay ay ogaadeen, in reerku halis ku jiro, oo uu damacsan yahay in uu dhameeyo, si aanay xabdi uga hadhin. Dabeed waa loo yeedhay, oo waxa lagu yidhi, reerkan dib ugu soo hogan maysid, oo waa lagaa gaxaynayaa, sababta oo ah waad gubaysaa.



Wuxu yidhi horta ma cid baa ila leh reerka? Hadaan anigu u taliyo illaahay ka sokaw, oo aanan dhiman ee noolahay, waa ayo cidda igu haysataa? Hadaan wadda laayo iyo haddii aan gubo, ma cid baa mag iga siinaysa? Anigu caadi ma aan ihi, reer-kaygana waan rogayaa, oo iga damvayn maayaan, ee wax kale ma haysaan? Buu hadal ku soo jaray.


Nin ka yar oo ay walaalo yihiin, baa dabeed tallo keenay, oo yidhi, waar intii aan waayi lahaa reer-kaas tobanka qof ah, isaga baa fudud in aynu dilo, ee imika inta aanay wax kale dhicin, isaga aynu dilo, siddii baa lagu heshiiyey in laga takhaluso, laakiin waa in aynu u sheegnaa reer-kiisa inaga oo isu dhan, inta ka horeysana waa in aynu geed ku xidhnaa, si aanu ugu baxsan reerka inaka oo aan ogayne.


 

Siddii baa la yeelay, oo inta loo tegay reer-kiisii lagu yidhi, waxa aanu kala doornay in aanu mid wayno " Toban-kiinaas miyirka qaba iyo Oday reerka" kaas oo habeen walba idinkoo hurda daba idinku qabanaaya. Markii aanu taladdii rog-rognay, ee aanu eegnay siddii aad u badbaadi lahay-deen, waxanu door-bidnay in isaga la dillo, oo ay badbaadaan toban-kiina qof.


Islaantii iyo caruurtii oo nacadin iyo gourmand dhiman doontaan ay kala Goostrey, baa waxay yidhaah-deen sidaas baanu idinku raacnay, halkii baana lagaga qabtay ninkii waalaa reerkii, oo inta geedkii uu ku xidhnaa loogu tegay lagu dilay, reer-kiina u badbaaday, oo naxdintii joog-tadda ahayd iyo baqdintii ay wadnaha farta ku hayeen, ee ahayd hadmaa dhiman doon-taan ay kaga hadhay, isagiina faataxadda loogu akhriyey, oo uu silicii iyo waaliddii ifka uu ka tegay. Horaa loo yidhi " Karis xun, iyana wax ku la'. Waata idin gaysata'e bal abaal-kiinii wuxu noqday, ee aad isu geysa-teen hoos ka akhriya


 

Aan idiin horey-siiyo'e, hees ay qaadi jirtey ( Rabbi haw naxariisto'e) Khadra Daahir, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Gurigga rara baad tidhaa,hadana roga baad tidhaa, hadaan teer-kuba degsyn, xagaan kuu raacayaa" Waxan akhristaw u soo qaatay qisadan, reer loogu tallo galay in dadkii lahaa ay baabi'iyaan, miyey cid kale naf u haysaa? Waxan uga socdaa, xabaddii beedka ahayd ee aynu dhoodhoo-baynay ( Waa wixii aynu ula baxnay S/Lande), waxa aynu ku sii deynay nin waalan oo reerkii xaga kale ka rogay " Waa Raggii ma adigaa ka hadhay" Oo ay xaabadda ugu sii qabtaan dhuuni raacyadda uu hor kacaayaa, kuwwas oo aan dad iyo dal mid-na aan naf u haynin, ee ay shaqadoodu tahay oo qudha " Maxaanu cunaa, maxaanu liqnaa, maxaanu dhuunta marina" Waa kaas askariggii waalaa uu reerkii gubay, ee aanay cidi ka noolayn, loogana talin waayey sidda ninka sare aan kaga soo sheekeeyey. Sanaag bari iyo Dhulbahante horaa loogu cadeeyey in aanay meeshan wax u oolin, oo af-buuxa lagu yidhi iska taga, waana kuwaas cidhibta ku dhuftay.


Awdal ( Waa Samaroone) iyana hadaa xasuuq kale ka socdaa, oo maalintiu 5aad baa mudaaharaado ka socdaan, Calankii Bluuga ahaa waa taas suuq-yaddii Saartay, ilaa hadda10 qof baa ay ku dileen, deydeyga uu ku soo direy askariga "Xuufta ahi ee aan lagu soo dhawaani" Haddii aad iska qaban lahay-deen, waxaa-siba may dhaceen, S/Land-na may burburteen. Kuwii lahaa tolaay yaa Isaaqaay, qaran baanu nahay, saw cirka kama ay engine, ninkii cuqdada iyo waalidda ay ugu sacab tumayeen, Waa kaas gubaye, oo uu weliba ku sii wado Xamare, ha ka soo maalaan, eexddii iyo qabyaaladdii ay isku barbara taageen, waa taas uu kaadhkii isku kiin rogay.


* N.B Gurigga Rara Baad Tidhaa, Hadana Roga Baad Tidhaa, Hadaan Reer-Kuba Degayn, Xagaan Kuu Raacayaa?

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...