Maxaad Ka Taqaan Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaraysa Somaliland?
Jamhuuriyadda iskeed
ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland waxay ku dhawaaqday in la qodayo
ceelkii ugu horreeyey ee shidaal ee laga helay Somaliland.
Somaliland waxay
heshiiska qodidda ceelkaas la saxiixatay, una xil saaran inay shidaalka ka soo
saarto ceelka shirkadda Genel Energy oo ka shaqaysata tamarta.
Genel Energy waa
shirkad gaar loo leeyahay oo baarta shidaalka iyo gaaska, kana dhaxaysa
saamiley. Saamiyada ugu badan waxaa leh Bilgin Grup Dogal Gaz A.S o oleh 22%,
saamiyada labaad iyo kuwa seddexaad ee ugu bandanna waxaa leh Hassan Gozal iyo
Daax Corporation FZE oo kiiba uu leeyahay 17%, halka saamiyada dadweynaha marka
la isku darana ay noqonayaan 10%.
Ceelka Shidaalka ee
aagga Oodweyne
Bishii Agoosto 2012
ayaa lagu abaal mariyey inay baaritaan ku samayso xirmooyinka SL-10-B iyo
SL-13. Bishii November ee isla sannadkaas ayey billowday in ay timaado dalka
ayadoo muujisay inay danaynaysay inay qayb ka noqoto heshiiskii wadaagga wax
soo-saarka Oodweyne kaasoo daboolaya SL-6, SL-7, iyo SL-10A.
Baaxadda xirmadaas ayey
Genel Energy ku qiyaastay bedka dhulka uu ku fadhiyo gobolka Kurdistan ee dalka
Ciraaq, waxayna sannadkii 2021 bishii Diseembar heshiis kula sii gashay OPIC
Somaliland Corporation (OCS) qaybta SL10B13 ee xirmada ka midka ah. Ceelkaas
wuxuu ku yaalla gobolka Togdheer.
Diyaargarow ayaa iminka
soconaya kaasoo la doonayo in lagu qodo ceel ka mid ah xirmadaas SL10B13,
wuxuuna ceelku Dekedda Berbera u jiraa ilaa 150 KM.
Meelaha ay hore uga soo
shaqaysay shirkadda
Hore waxay shirkadda
Genel Energy shidaal uga soo saartay ceelka Taq Taq ee ku yaalla meel 60 KM
waqoyiga bari ka xigta magaalada Kirkuk, 85 KM-na koofur bari ka xigta
magaalada Erbil, 120 KM-na waqooyi galbeed ka xigta magaalada Sulaymania. Bedka
uu dhulka ceelkaas ku fadhiyo ayaa ah 951 KM oo isku wareeg ah. Wuxuu ceelkaas
soo saarayey shidaal tan iyo 2008.
Waxay kaloo shirkadda
Genel Energy qodday ceelka Tawke ee dalka Ciraaq, kaasoo 18 bilood oo hakad ah
ka dib qoditaankiisa la sii ambaqaaday rubucii 3aad ee sannadkii 2021.
Ceelasha kale ee ay
shirkaddan qodday waxaa ka mid ah ceel ka mid ah xirmada shidaalka ee Sarta,
kuna yaalla gobolka Kurdisatan ee dalaka Ciraaq. Ceelkaas waxaa ka shaqyanaysay
shirkadda Chevron, hase yeeshee wuxuu heshiis dhex maray labada shirkadood
Janaayo 2019, ayadoo Nofembar 2020 la bilaabay wax soo saarka xirmadaas.
Gobolka Kurdistan waxay
Genel Energy ka shaqaynaysay muddo 20 sano ku dhow, waxayna iminka hawlo
shidaal qodis ah ka waddaa Morocco.
BBC