Sonkorta Iyo Xalwadda yaa sababa Cimri Deg Degga

0
Monday May 08, 2023 - 14:57:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sonkorta Iyo Xalwadda yaa sababa Cimri Deg Degga

    Balwadda khaasatan Sigaarka iyo khamriga:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Balwadda khaasatan Sigaarka iyo khamriga:



Dadku isku abuuris maahan, way ku kala duwan yihiin muuqaalka, dad baa dhaxal ahaan dhakhso duqooba, dadne da'da kama muuqato, laakiin waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay oo cimri degdeg qofka ku rido, ayna muhiim tahay in laga fogaado intii la awoodo, waxaana ka mid ah:


Cunidda Sokorta Badan: qofkii joogteeyo cunista sokorta, aadne u jecel waxyaabaha macmacaan, waxaa jirkiisa ku dhaco wax loo yaqaano "Glycation", tan oo dhaawac u geysato murqaha, seedaha iyo unugyada jirka khaasatan kuwa maqaarka, tan waxay keentaa in jirku yeesho laalaab, haddii aad macaanka jeceshahay ku dadaal khudrada iyo furutada, iskana ilaali sokorta.



Balwadda khaasatan Sigaarka iyo khamriga:

waa la isku waafqsan yahay in sigaarku uu keeno cimri degdeg, taasi waxay ka timaadaa sunta sigaarka ee "Nicotine" iyo fitamiin yarida nuuca "C" oo badanaa ku dhacdo dadka sigaarka caba, kaasoo muhiim u ah difaaca iyo tayeynta jirka. haddii aad sigaarka cabtid,


sidoo kale cabista khamriga waxay toos u dhaawacdaa jirka, waxay waxyeellaysaa beerka, maqaarka, indhaha iyo xididada intaba.


Hurdo xumida / Hurdo yarida:

Markuu dhafarka bato waxaa jirka ku bato hormoonka loo yaqaano "Cortisol", kacsanaanta joogtada ah ee hormoonkaan uma fiicna caafimaadka, wuxuuna keenaa dhiig-kar, macaan iyo duqnimo degdeg ah.

Borotiin yarida:

dadka ku nool cunnada ay ku yar tahay borotiinka way ka hor duqoobaan dadka kale, sababtoo ah jirka bini'aadanka kama maarmo borotiinka, sidaa awgeed, isla jirka ayaa iscuna oo borotiin laga dhigaa, qofkane sidaa ayuu ku dhamaadaa ama ku duqoobaa, waa sababta caruurta nafaqo darrida hayso ay ugu muuqaal eg yihiin dad waayeello ah, meesha dadka ku nool hilibka, kalluunka iyo caanaha ay ka muuqaal yar yihiin dadka kale.


Welwelka / Niyad jabka:

Fakarka badan, murugada iyo walbahaarka waxuu khalkhal galiyaa qeybsanaanta unugyada jirka sida lagu arkay dhowr diraasadood, taasi waxay keentaa in unugyadii aysan tarmin / kala qeybsamin, ayna ku dhacdo wax loo yaqaano "Premature cell death", tan waxay keentaa duqoobis degdeg ah.


Qoraxda badan:

dadka ku nool dhulalka kuleelaha oo haddane qoraxda ku shaqeeyo, way ka muuqaal wayn yihiin da'dooda saxda ah, waxaana taa lagu fasira in ilayska qoraxda uu lumiyo jiljilleeca maqaarka jirka taasoo loo yaqaano "Solar elastosis", maqaarkane wuu adkaadaa, wuxuunaa yeeshaa duuduub.


Adeegsiga murqaha wajiga: dad baa markay hadlayaan aad uga shaqeysiiya murqaha wajigooda si xad dhaaf ah, taasi waxaa loo yaqaanaa "Facial Mimicry", waana arrin qofka uu barto markuu yar yahay, markuu waynaadane uu la qabsado mana ahan wax la joojin karo, dadkaan iyagoo aan duqoobin ayay wajigoodii miidmiid yeeshaa, waxaana la moodaa inay duqnimo tahay.


Isticmaalka daawooyinka lagu qurxiyo jirka:

dadka aad u isticmaalo makeup-ka ama daawooyinka lagu qurxiyo jirka dhakhso ayuu muuqaalkoodu isbadalaa, wayna ka hor duqoobaan facooda, maadaama waxyaabaha la marsado oo kiimiko ah ay isbadal ku sameeyaan maqaarka jirka ah.


Caajiska iyo Jimicsi la'aanta:

sidoo kale qofka oo aan dhaqdhaqaaq lahayn, noloshiisane fadhi iyo inuu gaari ku socdo ay u badan tahay dhakhso ayuu ka hor duqoobaa faciisa, wuxuuna halis ugu jiraa xanuuno dhowr ah,


Fuuqbaxa iyo cabitaan yarida:

jirka bini'aadanka wuxuu badankiis ka kooban yahay dareere, hadduu jirka ku yaraado biyaha waxaa isbadala muuqaalka qofka, waxaana ka muuqdo da' uusan qofka gaarin, ka baro link-gaan dhibaatooyinka laga dhaxlo biyo cabitaan yarida:

Somalidoc

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...