Md Biixi Ha Karaamo Seegina Habaar Laygu Kari Waaye

0
Monday May 08, 2023 - 11:30:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Md Biixi Ha Karaamo Seegina Habaar Laygu Kari Waaye

    qof Daarood ah (sheekh iyo shariif kuu yahay ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qof Daarood ah (sheekh iyo shariif kuu yahay ba



Warqadda furan ee xildhibaan Maareeye dhowaan u qoray Mr. Biixi, xaggiisa uga ma duwan taraash/xashiish. Dhacdooyinka Sooyaalka ahi waxay ina tusayaan inuusan Biixi saddex waxba kama dhegaysan (xataa hadday isaga maslaxaddiisa wadaan):


- qof Daarood ah (sheekh iyo shariif kuu yahay ba);

- xildhibaan Xamar jooga,

- iyo reerka Garxajis.



Bar-bilawga fahamkiisa (assumptions) ayaa ah inay saddexdu-ba cadaw yihiin.

 

Teeda kale, Biixi waxba maqli maayo inta uu isla haysto arrimahan: taageerada baarlamanka SL, taageerada reerkiisa, aamusnaanta warbaahinta SL, taageerada Djibouti iyo sabaalaynta DFS.


Waxa joojinta dhiig-baxa Laascaanood ku filnaan lahayd Xasan Sheekh oo lacagta caawimada caalamiga ah ee uu SL siiyo, shardi uga dhiga inuu Biixi ciidamadiisa OOG geeyo.


 

Xilka looma sina, Illaah ka sakow, dhiigga iyo nafta ku baxaya dagaalka Laascaanood isaga ayaa baajin kara. Waa isaga oo ciidankiisa keena OOG. Ma cirkaa soo dumaya haddii sidaa la yeelo, dirirta nafis laga qaato, dabeetana waqti la siiyo dib-u-heshiisiinta.


Ilaah ha garansiiyo Mr Biixi muhiimadda joojinta dhiigga dadka. Ha loo duceeyo.


 

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...