Ururka KAAH Oo War Ka Soo Saaray Qodista Ceelka Shidaalka Ee Gobolka Togdheer.

0
Monday May 08, 2023 - 09:17:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ururka KAAH Oo War Ka Soo Saaray Qodista Ceelka Shidaalka Ee Gobolka Togdheer.

    Somalidu waxay ku maah-maahdaa, (ruqo ninkii lahaa dabada hayo, ma kacdo).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu waxay ku maah-maahdaa, (ruqo ninkii lahaa dabada hayo, ma kacdo).



Hargaysa (HWN)  Guddoomiyaha ururka Kaah Maxamuud Xaashi,  ayaa sheegay in ururkiisu taageersanyahay qodista ceelka shidaalka ah ee Xukuumada Muuse Shaacisay inay qodayso.

 

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in mucaarad ahaan ay soo dhawaynayaan belse aanu ceelkaasi eersan farsama xukumada xukuumada, sida uu gudoomiyuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Urur siyaasadeedka horumarinta iyo sinaanta ee Kaah, wuxuu si buuxda u taageerayaa, mashruuca qodista shiidaalka ee munaasibaddiisa maanta la daah furay.

 

Barnaamij siyaasadeedka ururka Kaah, waxaa bud-dhig u ah in dalkan jamhuuriyadda Somaliland gaadho bash-bash, barwaaqo, iyo badhaadhe, isla markaana uu ka baxo baahida iyo baryada aadane Kale. Sidaa darteed, wax kasta oo dadkayaga iyo dalkayaga, u horseedaya horumar iyo hodantinimo, ma nihin kuwo u geysanaya hagardaamo iyo hantaaqo. Balse, waxaannu nahay kuwo hareerta qabanaya oo hadh iyo habeen u ah hawlwadeeno iyo heegan.

 

Si uu u hano qado mashruucan qiimaha badan ku fadhiyaa, waxaa lagama maarmaan ah, in xukuumadda talada dalka haaneedaa, ka ilaaliso maamul xumo iyo musuq. Taas oo mashruucan ku noqon karta turunturo iyo tacab khasaar.

 

Arrintani waa mid ay aad uga werwersan yihiin in badan oo indheergaradka dalka ka mid ahi. Somalidu waxay ku maah-maahdaa, (ruqo ninkii lahaa dabada hayo, ma kacdo). Haddaba waxaan leeyahay, qolooyinkayagan mucaaradka ah ee aannu ka mid ka nahay, mashruucani eersan maayo. Balse, qoladiina maamulka yaanu eersan. (waar bal muslim ilaahayoow marag).

 

Ugu danbayn, waxaan ugu baaqayaa bulshada ku dhaqan deegaanada ceelashan laga qodayo in ay soo dhaweeyaan, isla markaana, ay ka dhawaraan orta iyo qaylada. Waxaa Kale oo muhiim ah, in dadka reer guuraaga ah la fahamsiiyo in culayskii sahaminta shiidaalka ee saamaynta badan ku lahaa deegaanka laga soo gudbay. Maanta garaac iyo xagaaf dhul ma jiro, ee hal meel oo kooban ayaa ceel laga qodayaa.”


Loading...
Loading...