Masuul Ka Socda Maraykanka Oo Kulan La Yeeshay Dhaxal Sugaha Sucuudiga Xili Xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad & Boqortooyada
La-taliyaha amniga
qaranka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa habeenkii Axaddii la kulmay
dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u
dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooyada.
Wakaaladda Wararka
Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo
Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah.
Warbixinta SPA ayaa
lagu sheegay kaliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen "xiriirada
istaraatiijigga ah” ayada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo
Mareykan ah.
Goor dambe, Sullivan
ayaa ka qeyb-galay kulan dhex-maray dhaxal-sugaha, la-taliyaha amniga qaranka
India Ajit Doval iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Sheikh
Tahnoon bin Zayed Al Nahyan.
Bayaan kasoo baxay
Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu
ahaa sare u qaadidda "aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol
barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.”
Warbaahinta dowladda
Sacuudiga ma baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo la xiriira kulamada.
Biden ayaa ololaha
doorashada ku galay inuu cidleyn doono Sacuudi Carabiya kadib markii 2018-kii
qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilay suxufi wax ku qori jiray
wargeyska Washington Post, Jamaal Khaashuqji.
Hay’adaha sirdoonka
Mareykanka ayaa rumeysan in dilka uu ku dhacay amarka dhaxal-sugaha, inkasta oo
Riyadh ay beenisay.
Si kastaba, Biden ayaa
bishii July ee 2022 booqasho ku tegay Sacuudi Carabiya, ayada oo Mareykanka uu
doonayey in boqortooyada ay gacan ka gaysato dhimista qiimaha tamarta kadib
duulaankii Ruushka ay ku qaadeen Ukraine.
Isla waqtigaas, Biden
ayaa wacad ku maray inay jiri doonaan "cawaaqibyo” ka dhasha dhimista wax
soo-saarka saliidda oo ay sameeyeen dalalka OPEC+, oo ah koox ay ku jirto
Russia.
VOA