Ha quusan haddii Loterry-ga lagu aqbali waayay.

0
Sunday May 07, 2023 - 11:22:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha quusan haddii Loterry-ga lagu aqbali waayay.

    Mr. Lee ma uusan quusan, wuu sii halgamay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr. Lee ma uusan quusan, wuu sii halgamay,


1. Ninka sawirkaan ka muuqda magaciisu waa Shaaw Linji Lii, 20 sano ayuu raadinayay fiisaha Maraykanka heer safaaradaha dhan laga bartay, waana loo diiday.

2. In ka badan 15 codsi ayuu u dirsaday Kanada waana la soo wada diiday.


3. Wuxuu isku dayay in uu ku biiro ciidanka badda ee Shiinaha waana la soo diiday.

4. Shirkad ayuu shaqo ka xaraystay asaga iyo 124 qof oo kale, 122 qof ayaa la aqbalay asaga iyo labo kale ayaa la soo diiday.

5. Ciidanka booliska in uu ku biiro ayay xaraysteen asaga iyo 20 kale, labaatankii baa la aqbalay kaligiis baana la soo diiday.

6. Mr. Lee ma uusan quusan, wuu sii halgamay, wuxuu ku fekeray in uu galo suuqa onlineka oo uu aasaaso

 website sida Amazon ah, laakin, maadaama uusan lacag raasumaal ah haysan wuxuu soo iibiyay dahab ay

 xaaskiisu lahayd, bangina wuxuu ka soo deynsaday xoogaa lacag ah, sanado badan oo dadaal iyo daal ah ka

 dib lacagtii way khasaartay, haddeerna xabsi buu ku jiraa, usoo duceeya, hana isku dayina waxyaalahaan

 camal, guriga hooyadiin cunnada ka cuna baxarkaan camalna ha isku galina.

Mahadsanidiin, sii faafiya fadlan.
Daud Ali.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...