Salaaddii Billaa Sujuudda Ahayd ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday May 07, 2023 - 11:20:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaaddii Billaa Sujuudda Ahayd ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Lax Waliba Shilaka Ay Is Dhigto Baa Lagu Qalaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Lax Waliba Shilaka Ay Is Dhigto Baa Lagu Qalaa!
Magaca Somaliland wuxu ku hadhay riyo beri sidda hilaaca inoo soo martay, kuna burburtey gacanta askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo intuu iimaamka u yahay, ee uu bilaa sujuudda ku tukiyo, Sujuud la'aanina waa salaad la'aan, kuwaas oo uu hor-jooge uga dhigay ka la caqliga Ah, ee la yidhaaho " Geenyo shaaximan".

 Horey Somalidu ugu maah-maahday " Awrka dambe awrka hore buu socod-kiisa leeyahaye" Kan Geenyo Shaaximani, wuxuu wax ku sii tujiyaa intii uu u laqimay damiinka u macalinka ahi, ee aan lahayn " Sujuudda" Isna waxa ka sii " Daba xadreeya", oo waxa uu u akhriyaa ay tahay, beentii weliggii uu soo far jirey ka uu daba fadhiyaa, kuwaas oo dhamaan ka sii liita, ilayn kaas baa u sii macalin Ah, sidda Kooray-sane, Bakhti-Dhego-weyn, Cali Bacaac ( C.Mareexaan), Kitaab-yare, Saallo xero keenka ina Cali Bille. Nabane, xinif, Hiliblaha Xasan-shahar, Gaafaadhi, Bukhaari, Buuni, Toorno, Ina Caga-weyne, Daba-Dhaqe, Gacal-Dhibe iyo qaar ay kuwaas u sii tuuraan " Qanjidh- Sarceedka" Kana mid yihiin, Shaydaan Habaar, Ciil Madaw ( Waxad tidhaahaan " Bad Madawe", Cabdiraxman dheere iyo dhamaan " Digsi Xagato"



Kuwa sisdaas loo tujiyaa, waxay beryahan dambe, loo direy in ay been faafiyaan, ay is leeyihiin wax ku khiyaameeya, oo waxay iskaga khaldan munaafaqaddii iyo beentii oo ay siyaasad moodayaan iyaba waa yaabe. Wax uu garanaayo xataa ilmaha yar ee imika dhashay, bay is leeyihiin waa siyaasad, ilayn waa ku khasab oo askariga baa soo faraye. Waxay la warwaree-gayaan laba beenood oo wax af la Soo mariyo ka weyn, waana kuwane iga hooya:-


(1) Ta hore waxa weeye, munaafaqad ay is leeyihiin isku dira Gudoomiyaha Waddani, Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan Iyo Musharaxa Mudane C/Raxman Cirro. Waxay war-baahinta la dhex joogaan. Khilaaf baa soo dhex-galay labadda mansuul ee sare ku yaal, taas oo markii geed ay qabsadaan waayeen, baadh-na u bixi waayey ay maskax xumiddii lagu yiqiin ku tidhi, labadan fidmo dhex-dhiga, waxse u soconaaya ama wax ka jiraan mid-na maaha, cid dhex geli kartaana ma jirto, waxay u daba socdaana wax kale maaha, ee waxay tallo faro ka raacday markii Gudoomiye loo doortay Mudane Xirsi, oo aanay filayn, halkaas oo uu kaadhkii lu rogmay.Halkaas oo gabal ugu dumay qudhmiye iyo kooxddii hor boodaysay.

(2) Labaad-na waxa weeye oo beryahan isleeyihiin meesha dhaafiya Abdikariim Ahmed Mooge. Oo ay wataan in ay ku bedelaan ka Reer Samatar ee golaha deegaanka, iyaka oo u soo adeegsa-naaya ka daaquutka ah ee la yidhaaho Cabdiraxman dheere, kaas oo lagu yaqaano in uu yahay calooshiisa u shaqayste. Iyaka oo raba in ay Abdikariim kaga hoose baxaan, waxan ku sharaxaynaa madax-weyne oo been ah, Si uu u baneeyo Maayar-nimadda. Arinkaas Wax-ba aanay ka jirin. 

Waxan leeyahay Abdikariim ninka laguu soo direy ee ( Cabdiraxman dheere) Waa kii markii qudhmiye ku diiday ee uu Waddani ku soo sharaxay ninka kale ee aad isku jifadda tihiin kaa soo daba sharaxay, si aanay u soo bixin. Waddani waa uu kugu guntaday, oo wuu ku soo saaray, waxa-na ay kuu diidan yihiin in sidaad wax u wado la iska kaa hor taago, waayo waxay waayeen xoolihii ummadda ee uu u qarin jirey " Tuuggii Carfaaye" Waa maayar ku sheeggii hore'e. Waxan ku leeyahay, dheg haw dhigin beenta ay doonayaan in ay kaaga takhalusaan, Waa iga walla in aanay qudhmiye ku soo sharaxayne.

Waxan ku af-jaray maqaalkan, waad og-tahay sidda hal daba go'an laguugu food ay, ee kii ay wateen ( Carfaaye) lagaaga hiiliyey. Maah-maah baa waxay ahayd " Lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaaye" maanta bay tallo kula gudboontay. 

Waxad qabatay ee uun Alle oo dhami arko, iyaku ma rabaan, ee waxay cunaan baa u muuqadda, iyo muxuu wax u qabanayaa, waayo ummaddii baa aragta waxad samaysay,waa kuwa intaa kaa daba qayli-naaya " Heego", mana rabaan in aad meel gaadho, ee ha isu jebin cadawga isu kaa yeel-yeelaaya. Waxay iska dhiga-yaan qaar wax kula raba, laakiin-se waxay ku mashuuqlsan yihiin, siddii meesha aad uga bixi lahayd, si ay u keenaan ka ay wataan, haba-yaraatee ma jirto wanaag ay kula damacsan yiiin iyo magac ay kula raadina-yaan, wax laguu soo wadaa, ee waxay ka talina-yaan siddii adoo nool xabaasha laguugu ridi lahaa, ee adiga bay tallo kuu taalaa.Ugu dambayn waxan kaga baxay maanta halkaad is dhigto baa laguugu xiirayaa ee la soco.

* N.B Lax Waliba Shilaka Ay Is Dhigto Baa Lagu Qalaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...