Talo iyo tusaale

0
Sunday May 07, 2023 - 11:13:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo iyo tusaale

    Noloshu sideedaba ma ahan mid sida aad adigu rabto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noloshu sideedaba ma ahan mid sida aad adigu rabto



Qof walba waxaa haysata dhibaatooyin u gaar ah, mana jiro qof noloshiisu ay isugu toos toosantahay ama ay udhameystirantahay, qof isaga oo aysan dhibaatoyin badan haysan ayey noloshiisu istaagtaa, isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaaya in culeeskaas haysta dartiis uusan waxba ka qabsan karin, qofna isaga oo ay isugu tageen dhibaatooyin fara badan ayay hadana noloshiisu horay usii socotaa, labadaas farqiga kaliya ee udhaxeeyo waxa wye midna illaa uu dhibtaas kabaxaayo waxba masameeyo, midna isaga oo ay dhibaatadii heysato ayuu baarbaaraa xalal kale uu kusii socon karo.



Noloshu sideedaba ma ahan mid sida aad adigu rabto kuugu soconeyso, taas badalkeeda waa mid sida ay iyadu rabto kaa yeesha, qorshaheeduna uu xag Alle kasocdo oon adiga lagaala tashan, ma dhihi kartid: "Markaan dhibtaas kabaxo ayaan horay usii soconayaa", waayo ma ogid in dhibtaas hadii aad kabaxdo hadane culays kale kugu imaan karo waa aduunyee, waxaa kale aadan ogayn waqtiga aad kabixi doontid intee in la eg ayey kugu qaadaneysaa,


Tusaale: Adiga oo shaqo u socda subixii, ayaa waxaa aragtay wadadii aad subax walba mari jirtay oo saaka tanba xiran, inta aad darjiin meesha kuyaalo aad fariisato miyaad sugi illaa inta ay wadadu ka furmeyso mise wadooyin kale ayaad kabaxeysaa, sidaan wada ognahay lama sugo oo wadooyin kale ayaa la maraa xitaa qofki aan kala aqoon haba sii lumee wuu tagayaa ugu dambeyntii.


Muhiimadda, ha u joojinin geedi socodkaaga nololeed culeesyo kaasoo wajahay dhanka aad umari lahayd, guulo walba oo la gaara waxa ay leeyihiin wadooyin kala duwan oo lagu gaaray mid hadey kuu suuragalin dhibaatooyin jira awgood, tijaabi kuwa kale.


Waa qormo iquseysa iyo cashir aan anigu nolosha kabartay

Wadku mahadsantahay waqtigaa galisay aqrinta qoraalkaan.


Iqra Ipra Mohamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...