Gudoomiye Xirsi Oo War Ka Soo Saaray Ceelka Shidaalka Somaliland
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha
Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan oo ka hadlay qodista ceelka Shidaalka ee
Xukuumada Muuse Biixi sheegtay inay qodoysa ayaa xukuumada usoo jeediyay in
farsama xumadeedu aanay galaafan shidaalka.
Gudoomiyaha ayaa sidoo
kale ku taliyay in waxgaradka iyo siyaasiyiinta
deegaanka laga qodayo ceelka arinka wax laga waydiiyo, sida uu gudoomiyuhu ku
sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay hada.
"Salaamu Calaykum.
Xukuumadda ayaanu
mucaarad ku nahay e, horumarka iyo qarannimada mucaarad kuma nihin.
Waxaan ku faraxsanahay
in ceelka shidaalka ee Xoodeed soo gaadhay wakhti la hadal hayo in qodis la
bilaabo, igumana cusba oo muddo dheer oo ku siman ilaa xilligii aan xukumaddii
Madaxweyne Siilaanyo ka midka ahaa way socotay hawshaasi. Aniga iyo Xisbigayguba
waannu taageersannahay in dalka shidaal loo soo saaro, cid kasta oo caqabad ku
waddana ka aqbali maynno.
In dalkani horumar
gaadho oo dadkiisu fakhriga ka baxaana waa himiliadii siyaasaddaba ii geysay,
waa wixii dalku naga sugayay, waa wixii dadkaygu u aayi lahaa. Xukuumadda
ayaannu mucaarad ku nahay ee horumarka iyo qaranimada mucaarad ku nihin! Dawlad
iyo shicibba waxaan leeyahay: waar shidaalku waa hawl badanyahay oo in dhib iyo
carqalad ugu filan in Somaliland shidaal laga soo saaraa waa ina sugaysaa, oo
haddii ay tahay gobolka iyo hadii ay tahay dunidaba in badan ayaan raalli ka
ahayn in khayraadkeenna la soo saaro, shidaalkuna wakhti dheer ayuu qaataa,
weli ma dhawa ee waa haasaasihii ugu horreeyay yaynaan iskaga qaylin. Yaynaan
belo u yeedhan, waxay Soomaalidii miyigu ku maahmaahi jirtay "Barawaxinta
badani bahalo soo raac bay leedahay” oo looga jeeday: haddii reerku degganyahay
kayn cidlo ah oo uu Yuur Yuur Yuurta badiyo bahalaha ayaa soo raaca.
Qolada xukuumadda
waxaan leeyahay: shicibku dhib ma wado e bal farsama-xumadiinnu yaanay ceelka
galaafan, mudanka, odayada deegaanka iyo xildhibaannaduba xaq bay u leeyihiin
in wax laga waydiiyo iyo in lala socodsiiyo waxa socda ama meesha wax marayaan.”
W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan