Hargaysa: Askarigii Dilay Taliyaha Oo Dil Toogasho Ah Lagu Xukumay.

0
Sunday May 07, 2023 - 09:53:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Askarigii Dilay Taliyaha Oo Dil Toogasho Ah Lagu Xukumay.

    "Odayaasha marxuumka dhintay ayaa sheegay inay rabaan in la'israaciyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Odayaasha marxuumka dhintay ayaa sheegay inay rabaan in la'israaciyo"


 


Hargaysa (HWN) Maxkamadda ciidanka milatariga Somaliland darajadeeda koowaad ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

 

Odayaasha marxuumka dhintay oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay rabaan in la’israaciyo marxuumka iyo ninka dilay.

 

Marxuumka dhintay ayaa ka soo jeeday Gobolka Awdal, halka askariga dilayna uu ka soo jeedo Gobolka Togdheer.


Loading...
Loading...