Qadhmuun Weeyaan Qabyaaladi

0
Monday June 24, 2019 - 12:27:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qadhmuun Weeyaan Qabyaaladi

    Ugu horayn, waxaad moodaa in sanadahan u dambeyey ay aad u soo tarayso xumaanta iyo foolxumadii adeegsiga qabyaaladu,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horayn, waxaad moodaa in sanadahan u dambeyey ay aad u soo tarayso xumaanta iyo foolxumadii adeegsiga qabyaaladu,
oo meesha ka saaraysa qarannimada kana dhex abuuraysa bulshada xanuuno iyo nacaybshiyo aad u fog oo keeni karaysa kala fogaansho iyadoo xumaan iyo xiqdi ku abuuraysa bulshadii qaranimada ku heshiisay.



Qabyaaladu waa xanuun guud ahaan soomalida saamayn wayn ku yeeshay, hoosna uga soo riday meeqaanki ay lahaayen ilaa hadana dawadiisi aan la helin oo ay muhiim tahay in la goobo sidii ama xeeladii lagaga bogsan lahaa xanuunkan liddiga ku ah horumarka iyo wax wada qabsiga ummada.


Somaliland ahaan dawladnimada iyo qaranka waxaan u yagleelanay si aan ugaga guurno qadhmuunka iyo xumaanta ay qabyaaladu leedahay, si aan u asaasano qaran aan ku dhisnayn qolo iyo qabiil toona, laakiin waxa hada muuqata in qabyaaladi dib u soo if baxdey oo xitaa ay ka awood badatey qaranimada iyadoo aad maqlayso odeyaal cuqaal sheeganaya oo ahaa kuwi qarannimada iyagu ilaalin lahaa oo leh qabiilkayaga hadaan sidaa loo samayn somaliland anagu kama mid nihin, kaliya shuruud daciifa ayuu ku xidhey ka mid ahaanshiyaha qaranka.


Doorashooyinka waxa loogu talo galay in ay hore socod iyo hiigsi fiican ku lahaadan dawlad wanaaga, se waxa cad in doorashoyinki ay kaw ka noqdeen arimaha hurinaya qabyaalada. Iyadoo aynu tusaale cad u soo qaadanayno doorashadii ugu dambaysay ee madaxtinimada ee ay soo shaac baxeen reero qabiilnimada ku bahoobayey sida "JEEGAANTA". May dhicin doorashoyinkii  hore in qabyaaladu heerka intaas leeg gaadho oo la samaysto magacyo qabyaaladaysan oo doorashada lagu gallo si loogu guulaysto.


Ugu dambayn waxa muhiima in lagu dadaalo sidii qabyaalada meesha iyo heerka ay joogto hoos looga dhigi lahaa amase loo baabi'in lahaa hadii ay suurto gal tahay.

Halkan hoose waxan idinkula wadagaya tix kooban oo ka hadlaysa qaybyaalada.

       QABYAALADI WAA QUDHUN

Dadyow Qaran wayne
Qabyaaladu maaha
Qabiil iyo reero
Qoom iyo umad maaha
Qaran dhana maaha
Quraaniyo maaha
Qaanuun laga reebay
Quruun hore maaha
Qoraal nebi maaha
Xadiis qoran maaha
Qiraaliyo maaha
Gar geed lagu qaadey
Qabyaaladu maaha
Qawl iyo hadal fiican
Qiraal saxa maaha
Qarana u dan maaha.

Dadyow qaran wayne
Qabyaaladu waa uf
Qadhmuun iyo weeye
Qadhaadh aan la muudsan
Qawl aan sax ahayniyo
Qaran dumis weeye
Qabiil wax ka sheegid
Qabiilna ku faanid
Quruun isku cayna
Qaadirku u abuuray
Qabiil ugu dooray
Keliya is qirtaan
Ayeyba u qaateen
Qoqobiyo kala soocid
Qabiilkayagaa san
Quruun saxa weeye
Qofkii aan ahayna
Qoom hoogayba weeye

Dadyow qaran wayne
Qabiil lagu faano
Qabyaaladu weeye
Quruun isirkeeda
Qab iyo isla wayni
Qumaati u caydo
Qolo iyo haybtooda
Qalooc ku tilmamto
Qabyaaladu weeye

W/Q: Ahmed Harir Adam
Hargaysa,  Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...