Faysal Cali Waraabe Oo Ku Hanjabay Inuu Muqdisho Ka Degayo

0
Sunday May 07, 2023 - 08:24:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Ku Hanjabay Inuu Muqdisho Ka Degayo

    "maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara"



Ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wada hadalladii Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ay dib u bilaabanayaan ayuu guddoomoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe sheegay in xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wada hadal la gasho cidna.

 

Waxa uu ku hanjabay in isaga laftiisu Muqdisho ka dagayo haddii madaxweynaha Somaliland uu isku dayo in uu galo wada hadal aan iyaga lagala tashan.

 

Faysal ayaa sheegay in markii hore ee wadahadallada lala furayey Soomaaliya ay saddex xisbi ka heshiiyeen kadibna baarlamaanka loo gudbiyey sidaasna ay "maqaam dowladeed” kula tageen wada hadalka, "markii aan 2012 kii wada hadallada bilaabeynay waxay martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku wada faaqsan yahay” ayuu yiri Faysal Cali mar uu ka hadlayey sidii ay kusoo bilowdeen wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Waxa uuna sheegay in aanay jirin wax "hoos hoos u dhacay”, saas darteedna aanu oggolaanayn heshiis aanay wax ka ogeyn, "maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara” isaga oo intaas kusii daray, "Kow Somaliland qalalaasay ku jirtaa, mid dagaal bay ku jirtaa mid siyaasadeed bay ku jirtaa… madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto,” ayuu yiri guddomiye Faysal oo sababeynayey waxa uu ku diidayo wada hadal dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland.


Loading...
Loading...