Hey'adda Caafimaadka Adduunka Oo War Kasoo Saartay Cudurka Covid19
Ururka Caafimaadka
Adduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay in cudurka Covid-19, uusan haatan iyo wixii
ka danbeeya aanu dunida ku keeni karin "xaalad caafimaad oo halis ah oo
caalami ah".
Bayaanka ayaa ka dhigan
tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka soo gaba gabeynta cudurkan dunida masiibada
ku noqday.
Wuxuu sidoo kale kusoo
beegmayaa bayaanka seddex sano ka dib markii ugu horeysay oo ay hey’addu ku
dhawaaqday in cudurkani yahay halista ugu weyn ee ay dunida wajahayso.
Saraakiisha ayaa
sheegay in heerka dhimashada fayrasku uu hoos uga dhacay tirada aadka u faraha
badan, ee in ka badan 100,000 oo qof in usbuucii ay u dhintaan.
Laga soo bilaabo bishii
Janaayo ee sanadkii 2021-kii, ayay tirada dhimashada usbuucii sareysay, halka
ay haatan noqotay 3,500 in toddobaadkii laga bilaabo 24-kii Abriil ee sanadkan.
Madaxa WHO ayaa sheegay
in ugu yaraan toddobo milyan oo qof ay u dhinteen cudurka Covid19.