Sidee ayaa ku garan karaa in aan kalsooni lahayn?

0
Saturday May 06, 2023 - 13:27:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee ayaa ku garan karaa in aan kalsooni lahayn?

    Waxa ku saameeya hadallada dadka kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ku saameeya hadallada dadka kale



1. Waxa aad ka baqdaa dadka, sababtuna waa keliya heerkoodii ama darajadooda, tusaale ahaan, haddii uu yahay mid lacag leh, waxa aad dareemaysaa cabsi, sidii in uu ku weerarayo oo kale.


2. Ma tixgelisid jiritaankaaga iyo waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay ama ku xooggan tahay. Wax walba waxa aad ka horreysiisaa guuldarrooyinkaaga iyo qaladkaaga; kuwaasi ayaa aad diiradda saartaa, iyaga uun baa aragtaa!



3. Waxa ku saameeya hadallada dadka kale ee lidka kugu ah, waxa aannad ka qaadaa kalsooni hooseysa.


4. Si joogto ah ayaa ugu nooshahay khayaaliga ah in aad dadka kale kaa wada sareeyaan, in adigu aad hooseysid.


5. Ma qaadan kartid xitaa go'aanka ugu fudud, waxa aad ka baqeysaa in aad qaadatid doorasho aan qummaneyn ama in ay ku soo foodsaari doonto guuldarro!


6.Waxa aad ka argagaxdaa diidmada iyo waxa dad kale kaa sheegaan. Ma jeclid naftaada. Murugo waxa kugu beera in haddii aad noloshaada u tashado, go'aan qaadato kana beydho halka dadka aad taqaan u badan yihiin, in aad kali noqon doonto oo aad cidloon doonto.


W/T: Maxammad Haybe Axmed.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...