Habar Xabuush, Habar Jecle Iyo Sheekh Isxaaqeyntii Isaaq

0
Saturday May 06, 2023 - 13:20:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Habar Xabuush, Habar Jecle Iyo Sheekh Isxaaqeyntii Isaaq

    Waad wada salaaman tihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waad wada salaaman tihiin.



Waad wada salaaman tihiin.

Habar Xabuush, Habar Jecle Iyo Sheekh Isxaaqeyntii Isaaq

Saddexdaas magac, waa hubaal, oo midba si ayuu Beeshii Habar Toljecle (Toljecle) u saameeyey, oo uu tabnaan ugu noqdey, oo nasiib darro, uu u kala qolo-qoleeyey.



1- Habar Xabuush, waa hubaal, oo Ina Cabdille Xasan, oo ceytamayey, ayaa innagu naaneysey; oo innagu xajiimeeyey.

Wuxu yidhi:

Wixii Habar Xabuusheed ah iyo, hoodhif dacawaa leh.

Mar kale wuxu yidhi:


Hadday haybta kugu sii badshaan, Habar Xabuush sheego.

Sidaas darteed, naaneystaas Habar Xabuusheed, ee tabnaantaas ku baxdey, ayaa Habar Toljcele (Toljecle) kala qolo-qoleysey, oo abtirsiinteedii, ayaa hooyo-tiris xeeladeysneyd loogu baddaley; oo nasiib darro, lagu kala qeybqeybiyey.


2- Magacan Habar Jecle, oo isku qabqabsi-saldanadeed, oo Maxamed Abokor iyo Muuse Abokor u dhexeeyey ku yimid, ayaa isaguna magacii beeshan, ee Habar Toljecle (Toljecle) aad u dhaawacey; oo nasiib darro, ugu dambeyntiina waa bu ka xoog roonaadey, oo waa bu shiiqiyey.


F.G.


Soo qaxitaankii Aadan-madoobahan Galbeed (Toljecle), ka dib, ayuu magacan Habar Jecle uu Bari ka baxey, oo waa sababta ay bessha inteedan Galbeed, ay Toljecle u sii tahay.


3- Sheekh Isxaaqeyntii magaca Isaaq, ee 1950meedyadii, ayaa iyaduna si gaar ahaaneed Beeshii Habar Toljecle (Toljecle) u saameysey, oo nasiib darro, sii kala jabisey.

Waayo:


- Habar Awal, waxa ay noqotey: Awal Sheekh Isxaaq.

- Habar Garxajis, waxa ay noqotey: Garxajis Sheekh Isxaaq.

- Habar Toljecle, halkii ay Toljecle Sheekh Isxaaq ka noqon lahayd, ayay Sheekh Isxaaq u kala dheereysey; oo nasiib darradeeda, afar ilma Sheekh Isxaaq ah, ayay isku kala qeybisey.

b) Muuse Sheekh Isxaaq

t) Axmed Sheekh Isxaaq

j) Ibraahim Sheekh Isxaaq

x) Maxamed Sheekh Isxaaq


Hadal waa murti'e, Sheekh Isxaaqeyntii Isaaq, waa hubaal, oo Beeshii Habar Toljecle (Toljecle), oo kali ah, ayaa eeddey; oo ku kala qolo-qolowdey - subxaanka yaa cadiim.

Iiguma dambeyn:


Beesheennan Habar Jecle, ee min Saaxil (Somaliland) ilaa Naasareet (Itoobiya) iyo min Jibuuti ilaa Gaarisa (Kiiniya) ku baahsan, ee deggeni, waa hubaal, oo saxitaan iyo mideyn ayay innooga wada baahan tahay - bi idni Allaah.


 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

Maxamed Sheekh Daahir

 

[email protected]

tashiwanaag.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...