'' Taariikhda Soomaalidda , Maxaanad La Socon ''. Ahmed Nour Guruje

0
Monday June 24, 2019 - 11:46:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Taariikhda Soomaalidda , Maxaanad La Socon ''. Ahmed Nour Guruje

    Sanadkii 1964 , afar sanno uun ka dib dhalashaddii Jamuuriyaddii Soomaaliyeed ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 1964 , afar sanno uun ka dib dhalashaddii Jamuuriyaddii Soomaaliyeed ,

Isku dhacaas labadda dawladood , Taliyihii Ciidamadda Itoobiya ee qaybta Barri ( Hererge) Gen Demmese , wuxuu samaystay qorshe uu ku doonayay in uu ku qabsaddo Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera , waxaanu balan qaaday in qorshahaas uu u fulin doono 48 saacadood .


Waagaas 1964 ma jirin Ciidan Soomaaliyeed oo dhisnaa , ciidamadda Jamuuriyadduna waxay ahaayeen 2 kun oo ahaa Somaliland Scout oo joogay Waqooyi iyo 3 kun oo Koonfur joogay oo ahaa ciidamadii la qoray Bishii April 1960 .



Hadaba Qorshihii Gen Demmese iyadoo la fulinayo , wuxuu weerar balaadhan oo isugu jirra , mashquulin , iyo target kuoo s eekeeyey xuduudka labadda waddan , Sidda Doolow , Feerfeer , Ina Guuxaa , Daba-goroyaale iyo Wajaale .


Obocda dagaalku sidaynu soo sheegnay waxay ahayd ahayd Hargaysa , Hargaysana waxaa xuduudkeeda lagga soo galay sadex moolood ( Dabag-goroyaale , Ina guuxaa iyo Wajaale) .


Hadaba halkaas markay marayso , dawladii waagaasi waxay shacabka ka codsatay in ay wadanka difaacaan .


Sidaa darteed shacbigii reer Somaliland waxay sameeyeen
dhacdooyin taariikhdu xustay , kuwaasoo ay ka mid ahaayeen .


1- Abwaanaddii reer Somaliland waxay sameeyeen heeso iyo ruwaayaddo guubaabo ah , oo geeska afrika gilgilay , waxaana ka mid ahaa ,

Ruwaayad uu sameeyey cali sugule oo Ethopia codsatay in la joojiyo dhigisteeda , xabad joojintiina laggu daray , saamayntii ay yeelatay awgeed .


2- Heeso guubaabo ah oo wada halisa , sidda heesta tidhaahda , Geeshkayagoow guulaysta , Hawd-iyo hawaas , Hadii aanan dhulkaygoow , Nin laggu seexdoow ha seexan iyo Gabaygii caanka ahaa ee in aan goroyo cawl uga tagaa waa hal soo gudhay ee C/laahi suldaan .


3-Xaaji xashiish , oo ahaa taajir caana ahi wuxuu yidhi , Hargaysi qaadhaan ha uruuriso 7 cisho , taajir iyo shicib , todobadaa cisho waxay bixiyaan in la eeg ayaan ana bixinayaa , ka dibna Xashiish waxaa lagaa mamnuucay in aanu xitaa hawada Itoobiya dul mari karin .


4- Shacbigii reer Somaliland iyo ciidamadii Somaliland scout iyagoo is kaashanaya waxay wacdaro ka muujiyeen dhamaan goobihii la isku arkay , waxaanay meel walba ka gudbeen xuduudka , qorshihii Gen demmessana waxay ka dhigeen waxba kama jiraan .


Buug uu dhawaan qoray wiil uu ka tagay Gen Demmesse wuxuu qoray in jananku yidhi '' Waqooyi waxaanu ku ogayn 2 kun oo askari oo ingiriisku ka tagay , lkn waxaa nagaga soo baxay 2 boqol oo kun oo askari oo aanaan filayn ''.


Si kastaba ha ahaatee , waxaa yaab le in dadkii soomaalida nimada sidaa ugu soo halgamay ee Aduunka oo dhami wada qirsan yahay , ay habeen iyo maalin Soomaalinimo been beena ugu faanayaan dad aan Soomaalinimadda waxba kaga bxin , hadeerna aanay dhab ka ahayn .



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...