Tuuksiga wuxuu noqday shaqo qofku subaxii u ka lahaayo.

0
Saturday May 06, 2023 - 11:54:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuuksiga wuxuu noqday shaqo qofku subaxii u ka lahaayo.

    waxaa kasii daran in ay maanta kuwa tuugsado gaaren

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa kasii daran in ay maanta kuwa tuugsado gaaren


Qofkaas tuuksanaayo hadii aad kadalbato in uu tuugsiga iska daayo bishiina aad siinayso wixii uu ku noolaan lahaa ma yeelaayo haduuba kula dagaalin

Waxaan arkay tijaabooyin badan dad ehlu khayr ah oo isku dayay in kuwo tuugsado ay u soo bandhigeen in ay biili doonaan shardi hadii ay iska daayaan tuugsiga laakiin way diideen , sababtoo ah tuugsiga wuxuu noqday shaqo qofku subaxdii u soo kacaayo , kumanaan lacag ah ayay sameeyaan kuwa tuugsado arrinku ma ahan qof baahi haysato ee waa qof shaqo ku jiro .


Xadiith : مَا يَزَالُ الرَّجُلُ يَسْأَلُ النَّاسَ، حَتَّى يَأْتِيَ يَوْمَ القِيَامَةِ لَيْسَ فِي وَجْهِهِ مُزْعَةُ لَحْمٍ).

Qofka tuugsado wuxuu aakhiro imaan asagoo wajigu lafo kaliye yahay foolxumada waxa uu sameeyay
Dadka tuuksado maanta ee shaqo u arko tuugsiga waxay guranaayaan naar holcayso masiirkooda aakhirana waa mid aad u xun : مَنْ سَأَلَ النَّاسَ أَمْوَالَهُمْ تَكَثُّرًا، فَإِنَّمَا يَسْأَلُ جَمْرًا فَلْيَسْتَقِلَّ أَوْ لِيَسْتَكْثِرْ

qofkii dadka wax waydiistaa asagoo is leh wax badso wuxuu waydiisanaayaa dhuxulihii lagu gubi lahaa maalinta aakhira .

Maanta dadka tuugsado ee masaajida ama wadooyinka dhooban uma tuugsanaayaan in ay u baahanyihiin wixii ay cuni lahaayeen ee waa howshooda mana yeelaayaan in ay joojiyaan howshaas foosha xun .

waxaa kasii daran in ay maanta kuwa tuugsado gaaren marxalad ay isku dayaan in ay qofka xoog uga qaataan lacag , sida in ay hor istaagaan ama kugu soo cel celiyaan oo uu qofku ku qasbanaado si uu isu dhaafiyo in uu siiyo .

dadka tuuksigu shaqada u yahay ee subaxdii u soo kalaho markaan wax siinayno waxay ka dhigantahay in aan ku taageerayno tuuksiga iyo faafida fool xumadaas .

Xigasho ogaansho
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...