Wasiir Isu Casilay Dhallaan Ku Dhintay Cisbitaal Awgood

0
Sunday March 10, 2019 - 08:32:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Isu Casilay Dhallaan Ku Dhintay Cisbitaal Awgood

    Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la'aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso.


Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo cisbitalkaasi ay dowladdu maamusho gaar ahaan farmashiyaha iyo habka faya-dhowrkiisa.



Wasiirka iscasilay ayaa xilkaasi loo magacaabay afar bilood ka hor.


Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta carruurta ee Tunisia ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay suuragal tahay in caabuqa ilmaha dilay uu ka dhashay waxyaabaha lagu duray.


Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay "xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan hawlwadeennada caafimaadka".


Adeegga caafimaadka Tunisia ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan Waqooyiga Afrika, waxaana dakhli wanaagsan uu dalkaasi ka helaa dadka caafimaadka uga soo doonta dibedda.


Balse tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Zayn al-Caabidiin Bin Cali sanadkii 2011, daryeelka caafimaad ee Tunisia ayaa waxaa ragaadiyay dhibaatooyinka dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay uga sii dartay dawo yaraan soo noq-noqotay.

Sources: BBC.

Loading...
Loading...