Agaasimaha Dhakhtarka Wayn Ee Hargaysa Oo Soo Saaray War Shacabka Ka Nixiyay
Hargaysa (HWN) Dhamaan
Dhakhaatiirta Qaliinada guud ee ka hawlgasha Cusbitaalka Guud ee Magaalada
Hargeysa ayaa laga mamnuucay in ay u sameeyan bukanaada ay qaliinada u
fulinayaan wax qiimo dhimis ah ama Qaliino bilaash ah.
Wareegto uu soo saaray Agaasimaha Cusbitaalka
Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Askar oo nuqul ka mid ah aanu helnay ayaa
Dhakhaatiirta Qaalinada Guud ee cusbitaalka guud ee Hargeysa, Suuxiyayaasha
Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo shaqaalaha qaliimada caawiya uu ugu hanjabay
hadii ay sameeyan qaliino bilaash ah ama Wax ka dayaan Lacagta Qaliinada
bukaanada gunadooda laga goosan doono Lacagtaasi.
"Dhamaan Dhakhaatiirta
Qaliinada guud, Suxiyayaasha Qaliinada Cusbitaalka, Shaqaalaha qaliimada
caawiya ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa, Waxa la idin Farayaa in aydaan wax
lacag ah ka dayn karin qofnaba, Qofkii Qiimo dhimis ama mid bilaash ah
sameeyana Gunadiisa ayaa laga goosan
doono Lacagtaasi.” Ayuu ku yidhi agaasimuhu qoraalka uu soo saaray.
Dr. Askar wuxuu ku
sheegay Qoraalkiisan oo kale in Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo kaliya
uu samayn karo qiimo dhimista ama qaliinada bilaashka ah iyo Heeganka cusbitaalka
oo u samayn Kara keliya Kiisaska Deg Deg ah.
