Goorma Ayey Billaabaneysa Maxkamadeynta Donald Trump?
Garsooraha New York ee
guddoominaya kiis dambiyeedka Donald Trump ayaa Khamiistii weydiistay
dacwad-oogayaasha iyo qareenada difaacaya Trump inay isku raacaan waqti ka mid
ah bilaha Febraayo ama Maarso ee sanadka dambe.
Amarkan ayaa ka dhigan
in maxkamadeynta taariikhiga ah ee la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey
gabar sameysa aflaamta gogol dhaafka ay dhici doonto xilli lagu guda jira
doorashooyinka is-reeb-reebka ah ee Xisbiga Jamhuuriga, oo Trump uu doonaya
inuu noqdo musharaxa kusoo baxa si uu doorashada guud u wajaho madaxweyne
Biden.
Garsoore Juan Merchan
ayaa sheegay in marka la isku raaco taariikhda, in dhammaan dhinacyada, oo uu
ku jiro Trump aysan waqtiyeyn karin munaasabado kale.
"Ma ogolaan karo
dhacdooyin kale oo hadal laga jeedinayo ama laga soo muuqanayo inta maxkamadda
ay socoto,” ayuu Merchan ka yiri maxkamadda Manhattan, halkaasi oo Trump uusan
xaadirin.
Hadalladiisa ayaa yimid
intii uu socday dhageysigii koowaad ee tan iyo markii Trump la horgeeyey maxkamadda
bishii tagtay, isaga oo wajahaya 34 xisaab dacwadeed oo ku saabsan inuu ka been
sheegay diiwaan ganacsi.
Merchan ayaa dhageystay
doodo ku saabsan codsi ay soo jeediyeen dacwad-oogayaasha oo ahaa in Trump laga
mamnuuco inuu dacaayad ka dhigto qeybo ka mid ah kiiska maxkamadeynta.
Garsooraha ayaa sheegay
in marka uu go’aan gaaro Trump looga baahnaan doono inuu maxkamadda uga soo hor
muuqdo hab fogaan arag si loogu wargeliyo.
Trump ayaa beeniyey
dacwadaha ku saabsan inuu qareenkiisii hore Michael Cohen u celiyey lacag dhan
$130,000 oo la siiyey gabadha jisha filimada gogol dhaafka ah Stormy Daniels.
Dacwad-oogayaasha ayaa
sheegay in lacagtan, oo la bixiyey 2016-kii, looga dan lahaa in lagu aamusiyo
Daniels si aysan u sheegin gogol la dhaaf ay sheegtay in sanad kahor xilligaas
la sameysay Trump.
Trump waa madaxweyne
hore ama mid xil haya kii ugu horreeyey ee dacwad dambi lagu soo oogo.
Kiiskan waa mid ka mid
ah dhowr caqabado sharci ah oo uu wajahayo Trump oo ah 76 jir doonaya inuu mar
kale kusoo laabto Aqalka Cad sannadka dambe.
VOA